Beryahan ba waxaan isha ku hayey iftiin kasoo bidhiiqaya bartii aan ka imi. Kaaha iftiinkani waa mid xawaare sare ku baahaya. Maalin aan fogayn waxaabu noqon doonaa dayax nuuriya dad
iyo duunyaba. Xamda Maxamed Xuseen waxa ay ka mid tahay tiriigyada iftiinkaas soo baahaya ina soo gaadhsiiyey. Waa mid ka mid ah dubaaladaha daaraya tiriigga oo aan odhan karo waxay hadh iyo habeen inagu samaleyliyaan dubaalad aanay cidina gaas ku shubin. U gu horrayn aan hambalyo iyo bogaadin hawada u mariyo Xamda. Waxay qabatay hawlqaran oo u taallay iyada iyo intii la garasho ah ba.
Bal aan eegno Xamda iyo curad-qoraaleedkeeda la magac baxay Qeex Yoolkaaga.
Sidiisaba Ina aadan waa wada jecelyahay in uu guulaysto. Sidoo kale waa wada jecelyahay in uu heer ka gaadho nolosha, mase wada guulaysto heer na kama gaadho nolosha inyar mooyee. Dadka inta guulaysatay iyo inta guuldarraysatay waxa ay ku kala duwan yihiin keliya waa yoolka ay mala’awaasheen iyo hannaanka ay u qeexeen yoolkooda.
“Nin dariiq xarriiqdaa
Garan kara dayawgee
Dhidarkii ku kacay danab
Doc kastaaba waa u toos”– Abwaan Gaariye (AHUN).
Halkan ayuu ka bilaabmayaa yoolka loo baahan yahay in la qeexaa. Yool waa jaangooyaha guusha. Waa cabir guuleed lagu qiyaasi karo qof, ummad, shirkad iyo urur guulaystay. Meeshii ay ka yimaaddeen waa bilowgii yoolka “Qeexista yoolka” halka ay soo gaadheenna waa yoolka laftiisii intaa u dhaxaysaana waa jidkii ay yoolka usoo mareen. “Jidkii yoolka”.
Yoolka qofku waxa uu noqon karaa mid dheer oo uu noloshiisa oo dhan u kuur galo sidii uu u ga dhabayn lahaa iyo mid gaaban oo wakhti kooban ah kaas oo dhamaystiraaya kii guud. Yoolka guud waxa uu noqon karaa mid culus balse haddii qurubqurub loo qaybiyo is la markaana loo sii dhexmaro yoolka gaaban waa suuragal in uu fudayd noqdaa. Taas weeye baahida keenaysa in qofku taxo oo qodobeeyo wax kaste oo uu u malaynaayo in ay wado u tahay yoolkiisa.
Murti dhaxalgal ah ayaa odhanaysa: “Haddii aad ku guuldaraysato in aad wax qorshayso, waxa aad qorshaysay in aad guuldaraysato”. Qorshaynta yoolku waa istaanka uu ka dhaqaaqayo gaadhiga guushu. Halkaas weeye barta gaadhiga la ga ga hagaajinayo wadada. Si aad u kala garato in aad anbad tahay iyo in aad toosan tahay, waxa aad u baahan tahay in aad samaysato jiheeyahaas la magac baxay Qorshe.
Qorshahaagu ha ku dhisnaado saddex wax oo is dulsaaran; waa in aad qorshaysaa maxaad doonaysaa in aad gaadho? Sidee u doonaysaa in aad ku gaadho? iyo wakhti intee leeg ayaad doonaysaa in ay kugu qaadato?. Tusaale: Waxaan doonayaa in aan suuqa tago. Waxaan u sii raacayaa gaadhiga baska, waxaanan doonayaa in aan shan iyo toban daqiiqo ku tago. In aad suuqa tagtaa waa biyo ka ma dhibcaanka aad doonayso. Waa halbeeg sugan oo aanad badbadali karin, laakiin in aad Bas raacdo, in aad Taxi raacdo iyo in aad gaadhi kuu gaar ah raacdo iyo in aad Tugtug raacdo intuba suuqa ayay ku gaynaysaa. Haddii aad baska waydo waa in aad Tugtugta raacdo, waayo muhiimaddu ma aha waxa aad raacaysid ee waa halka aad u socotid. Waayista aad wayday Bas waxay caqabad ku tahay tagistaadii Suuqa. Raacista Tugtugtu na waa habkii aad ku dhaaftay caqabaddaas hor istaagtay yoolkaagii.
Jidka loo maro yoolka iyo isbaddalkiisa buugga la gu ma soo qaadan laakiin waa meesha keliya ee intaas oo si loo dhigi karo, ujeedaduna tahay uun in aad yoolka gaadho.
In badan baynu aragnaa qof yool uu lahaa gaadhay. Laakiin ma sii eegno qofkaasi inta wax ee uu lumiyay. Imisa taajir baad aragtay oo lacagta hareer wal ba iska dhigay laakiin reerkoodii dayacay (Qoys). Imisa ayaad aragtay qof wax wanaagsan suubiyey laakiin aan bulshada ba la wareegto ahayn oo keligii faquuqmay oo meel ku takoormay (Bulsho). Imisa qof ayaad aragtay oo wixii u gu wanaagsanaa ee uu haystay “Diin” dhaafsaday yool uu lahaa. Hebel wuu fakaray oo sidii uu is la haa wax wanaagsan soo saar ayuu waashayba!, sow tanina ma dhacdo. Qof yoolkiisa iyo caafimaadkiisii is dhamaystiri waayeen ba. (Caafimaad). Alla badanaa inta qof ee aragti wanaagsani ay ka buuxdo balse aan hayn habkii la gu hirgelin lahaa ama se aan isku filayn oo aan awoodin sidii uu u hirgelin lahaa marka la ga eego dhanka masaariifta (Tacab). Intee qof ayaa yool aanu aqoon u lahayn qorsheeyay isla markaana gaadhi waayey dhamaystir (Aqoon). Diinta, qoyska, bulshada, caafimaadka, tacabka iyo aqoonta intaas oo la isu geeyay ayay Xamdi u gu yeedhay dheelitirnaanta yoolka. Halka tacabka imaka waa la is ka caawiyaa oo fikrad baad arkaysaa cidi keentay is la markaana ay dawlad, shirkad iyo haayadi hirgelisay. Caawin keli ah ma aha ee waaba la ka la iibsadaa. Haddana mar walba si bay isugu xidhanyihiin go’aanka qofka iyo gacantiisa waxa ku jiraa. Murti Carabi ah ayaa odhanaysa “Man laa yamliku quutahuu, laa yamliku qaraarah”.
In aad qorshe samayso waxaa ka sii horaysa in aad riyooto. Riyooto waxa halkan ka ga sii haboon in aad Mala’awaasho. Mala’awaalkaas ayaad ku sii sawiran kartaa yoolka aad doonayso iyo sida uu noqon doono. Wax kaste oo aad ku riyooto “Mala’awaasho” waad rumayn kartaa. Waxbarashadu yoolka laftiisii ma aha ee waa jid ka mid ah jidadka yoolka loo maro.
Maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Biyo meeshii godan bay isugu tagaan” Qulqullada biyaha ee soconaya waxa ka hor yimaada turaanturooyin farabadan, tiirar waawayn, iyo tarbiicooyin kale ba. Wax kaste oo biyaha ka hor yimaada ka ma baajiyaan in ay bartii godnayd tagaan. Barta godani waa Yoolkii biyuhu ay lahaayeen. Tiirarka ka hor yimi na waa caqbad. Habka ay u dhaafeenna waa wadiiqadii Yoolka. Sidaa si la mid ah qofka yoolka leh waxa ka hor imanaaya caqabaddo badan oo ay tahay in uu mid walba sideeda u ga gudbo. Qeex Yoolkaaga waxa uu sheegayaa laba caqabood oo ka hor yimaada yoolka:
1-Cabsi
2-Aqoon yaraan
Halkaas mid saddexaad baa jirta oo iyadu na ah: Khibrad yaraan. Khibraddu aqoonta la dhigto iyada ayaa kun jeer ka muhiimsan, aqoontuba waa khibrado la isu geegeeyay. Qodobka hore ee cabsida waxa buugu u sii ka la qaaday saddex jaad; cabsi uu qofku ka cabsanaayo in uu guuldaraysto, cabsi uu qofku ka cabsanaayo in la dhalleeceeyo iyo cabsi uu qofku ka cabsanaayo isbadalka dhacaaya. Cabsida isbadalku waa in uu qofku had iyo jeer ka fiigsanaado haddii aad sidaa samayso bilay sidaasi dhacdaa, iyo tolow maxaa dhacaaya.
Tobanakan qodob ayaa iyaguna ah hubka keli ah ee aad ku dhaafi karto caqabadahan yoolkaaga hor istaagay. Haddii aad intan haysato waxaad dhulka dhigi kartaa awood kaste oo kusoo hujuunta:
1- Aaminaad 2-Hansare 3-Rabitaan 4-Go’aan adag 5-Deegaan wanaagsan 6-Saaxiib ku garab gala 7-Cid aad ku dayato 8-Wakhti nidaamsan 9- Adkaysi 10- Dhammaystir.
Haddii aad yool mala’awaasho dabadeedna qeexdo oo aad qodobayso, wixii caqabad ah ee kaa hortimaadana aad hubkan sare ku dhaafto waa hubaal in aad guulaysanayso. Waa kii Hadraawi lahaa:
Noloshaba in aad saafto
Qaabayso saabkeeda
Wax aan suuragelin maaha!
Habdhaqanka wanaagsan ee uu qofku leeyahay ayaa ah udub-dhexaadka guusha. Qodobkaas ayaa ah mid aad ii soo jiitay. Yoolkii iyo guushii maantaba la soo dhisaayey waxa kow ka ah habdhaqanka aad marka hore ba leedahay. Haddii kaas meesha la ga waayo wixii kale ba waa bar ku ma taal.
Adigu dadka ayaad ka mid tahay. Waad guulaysan kartaa waayo xaq baad u leedahay. Dad kula mid ah ayaa guulaystay, adna waad awooddaa, laakiin ogsoonow guushu kama maaranto mala’awaal, riyo, qorshe iyo qodobayn. Waa intaas muhiimadda u gu wayn ee uu xanbaarsan yahay Qeex Yoolkaaga.
Xogta Buugga:
Ciwaanka: Qeex Yoolkaaga
Qoraaga: Xamda Maxamed Xuseen
Tirada bogagga: 150
Sanadka: 2014
Axmed-Khaliif Maxamed Jaamac