Sunday, August 24, 2014

Dadkeenna iyo Daryeel La’aanta Xuquuqda Fekerka?


[caption id="attachment_93667" align="alignleft" width="176"]qoraaga qormadan qoraaga qormadan[/caption]Markii la aqoonsaday xuquuqda aadmigu leeyahay ayaa waxay keentey in fekerka ka soo baxa ama uu curiyo halabuurkuna la siiyo muhiimad iyo xaqdhawr si uu uga qayb qaadan karo dhismaha waaxyaha faraha badan ee adduunku ku meel marayo.Waxaa aqoonsigaasi uu yeelanayaa Xeerar lagu ilaaliyo fekerka cusub ama wax-soo-saarka halabuurka,kana mid noqonaya sharciyada shaqada iyo wax-soo-saarka dadka.Arrintaan cusub ayaa keenaysa in xeerka dhawridda xuquuqda fekerku qaab gooni ah oo horumarka shaqsiga,kan qaranka ama adduunkaba wax ku biirin kara loo dhigo.




Fanka oo sida laga yaabo,in badani u haysato in aanu waxtar lahayn ayaa qarnigan danbe is beddel ku keenay adduunweynaha,oo xeerar gaar ah oo fanaaniinta shaqo siinaya,dhawraya oo aqoonsanayana xaqooda  feker iyo  wax-soo-saar-koodaba ayaa ku soo biirey golaha shaqada.Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa xeer u gaar ah fannaanka oo lagu magacaabo”Xuquuqda fekerka”.Waa xeer ku cusub mandaqaddeenna(Geeska Afrika).Waxaa aynnu ogsoonnahay in fanka iyo suugaanta si qalad ah loogu camal falo guud ahaan degaannada soomaalidu degto oo haba yaraatee danta fannaaniinta iyo horumarka fanka aad hoos loogu dhigo ama la diido.




Waa Maxay Xuquuqda Fekerku?




Waa sharci ama xeer gaar u ah dhawrista iyo qiimaynta fekerka aadmiga ama wax ku biirinaya oo ilaalinaya wax soo saarka cusub ee qofka.Xeerka xuquuqda fekerka wuxuu ku saabsan yahay ama saameeyaa laba qaybood oo kala ah:(1)ganacsiga iyo warshadeynt;(2)far-shaxanka iyo fanka.




Iyadoo la tix raacayo xeerarka ay dawladduhu dhigtaan,lana kaashanayo hay’adaha caalamiga ah sida UNESCO iyo WIPO,waxaa lagama maarmaan ah in la helo sharci qeexaya hirgelinta xuquuqda fekerka iyo habkii wax-soo-saarka halabuurka,qiimeyntiisa,adeegsigiisa loo ilaalin lahaa,taasi oo khusaysa ganacsatada iyo dadweynaha u baahan.Dawladaha horumaray waxay mas’uuliyadda saareen shirkado maareeya xuquuqda fekerka,kuwa soo koraya sida Afrika oo kale waxay gacmaha ku hayaan ama diyaariyeen xafiisyo hoos yimaadda wasaarado,oo fannaaniintu ay adeegsan karaan,hantidooda ama wax-soo-saarkoodana ay ku aaminaan.Haddaba,sharcigani waxaa ka faa’iidaysan doona qaybaha fanka iyo suugaanta siiba:halabuurada,laxamiistaha,muusishanka,sawirlaha,qoraaga buugaagta,curiyayaasha riwaayadaha,aflaamta,iyo wixii la mid ah.




Dhaqanka soomaalida marka la eego waxaan ogsoonahay fanka iyo suugaantu in ay ku koobnaan jireen<<magac ama maamuus>>u gaar ah abwaankii curiyey riwaayad,hees,ama maanso kaleba.Wakhtiyadii hore marnaba laguma fekerin in haba yaraatee fanku uu keeni karo dakhli.Beryahan dambe waxaa la ogaaday in fanku uu galay ganacsi,dakhli weynna ka soo baxo.Haddii immika la dareemay in fanku uu sidaasi qiimo u leeyahay,waxaa habboonaatay in xeer loo sameeyo oo la hirgaliyo.Xeerkaas oo dhigaya in fekerku qiimo weyn leeyahay isla markaana hanti uu u noqon karo curiyaha ama qofkii lahaa.siaynu si fiican ugu fahanno waxan aynu ka hadlayno aynnu tusaale u soo qaadanno waddankan aynnu jaarka nahay ee jabuuti shirkadihii ka hawl gali jiray sida ay xuquuqda fannaaniinta u dhawri jireen.




Jabuuti waagii gumaysigii Faransiisku uu ka talin jiray,fannaaniintii xilligaa degganayd waxay la xuquuq ahaayeen kuwii Faransiiska.Fannaaniintii soo gaadhay waagaa way xasuusan yihiin.Waxaa berigaasi degganaa jabuuti laan ka socota shirkad marka magaceeda la soo gaabiyo la odhan jiray”SASEM”oo idaacadda iyo halka lagaga camal falo luqadda ama shaqada curiyaha ka soo ururisa lacagta ku waajibtay,ka dibna ay u gudbiso sannadkii hal mar xaqii uu qof walba muteystay(waxaa loo yaqaan mushahar daahay).Dakhligaas wuu ka duwan yahay midka ka soo galaya halabuurka ama fannaanka barnaamij la dhigey oo kaas loo yaqaanno”shaqo uu qabtay”oo saamiga shaqo uu yahay wax la isla ogyahay.Markii uu dhashey calanka Jabuuti 27kii June 1977,Laantii way shaqeynaysay illaa sannad ka dib,dabadeedna wey guurtey iyadoo fileysay laba qodob midkood:(i)in dawladda Jabuuti ay wakiilato oo ay hawsha halkii ka sii waddo,ama(ii)in dawladda Jabuuti ay furto xafiis u dhigma kii SASEM oo xilka,danaha iyo hawsha ay wadi laheyd la wareegta.Labadii qodob midna ma qabsoomin,sababta oo ah dawladda cusub ee Jabuuti waxay gashay hawl culus oo ah qaran dhis.Waxaa rajo wanaagsan ah in dawladda Jabuuti ay maanta fahamtay mowduucan,taladuna ay tahay in meel la dhigo xuquuqda fannaanka.Fannaaniinta Jabuuti weli kama dhaadhicin sharciga xuquuqda fekerka ee halabuurka umana haystaan inuu leeyahay wax faa’iido ah,qorsheyaal horumar lehna lama iman,waxay noqdeen koox wada joogta oo haddana kala jeedda oo mid walba iskii wax u doonaayo,waa sida kuweenu yihiine.Fannaa-niintu marnaba kama ay fekerin danahooda,iyaga oo haddana arkaaya ururro shaqaale oo kale oo dantooda ka tashanaya qaylo dhaanna u gudbinaya ciddii ay khusayso.




Maqaallo isdaba jooga oo aan muuduucan ka qori doonno ayaa ah qaylo dhaan ku socota fannaaniintu inay danahooda ka tashadaan oo wax soo saarkoodu uu noqdo mid faa’iido u leh iyaga iyo dalkaba




Haddii aynnu hore uga soo hadalnay,xuquuqda fekerka isna waydiinay maxay tahay xuquuqdaasi,waxay aynnu ka hadli doonaa waxa ay qabteen fannaaniintu ee aan looga abaal gudin.Inaga oo aan ka wadda hadli Karin ama aan wadda xusi Karin wax qabadkoodii aynnu si kor xaadisa uga hadalno arrintaas aynnu soo tilmaamnay.Fanka Somaliland wuxuu soo maray marxalado badan.Wuxuuna qayb weyn ka soo qaatay halgankii loogu jirey xoreynta dalka.Hawshoodu waxaa ay ahayd hanuunin,dhiirigelin iyo guubaabo joogta ah.Fannaaniinta waligoodba lama xaqsiine,hadaynu in yar dib ugu noqono xilligii gumaysiga ingiriiska.Fannaaniintu hawl adag oo gumeysigii Ingiriisku aad uga hortegi jirey bay wadeen.Qarsoodi ayey suugaanta loo baahan yahay ku shaac bixin jireen.Maalinba meel ka mid ah gobolada dalka ayey ula guuri jireen hawsha si loo raadgado raadcadda gumeystaha iyo shaadirlahu(jaajuuska)ay ku baadi goobayaan.Suugaanta ay ku taageerayeen gobannimodoonku way iska soo daba bixi jirtey maalin kasta.gumaystuhu waxaa uu ku qaaday ugaadhsi,xabsi taxaabid,masaafuris,iyo wax kasta oo uu fankooda ku jooji islahaa.Waxaas oo tacdiib ah,haddana fanku waa socday oo riwaayadaha, iyo suugaanta kale ee gobannimadoonka ahi way soo baxayeen,dareenka shacbiguna marnaba ma dhiman.Dadaalkaasi fannaaniinta Somaliland ku jireen ma ahayn mid ay xoolo ku rabeen,cid gacan ku siin jirteyna aad bay u yarayd.Waxayse kartidooda iyo kalsoonidooda awgeed ay qaybtooda ku soo hooyeen xornimada aan wali cid inoo ictiraafin ee maanta ummadda Somaliland hadhsanayso.26kii June 1960,habeenkii Somaliland xorowday ee calanka taagatay  waxaa la qabtay barnaamijyo waaweyn oo fannaaniintu dhammaantood ka qayb qaateen oo farxad iyo faanfaanka lagu muujinaayey.Gobol walba halkiisa ayuu ugu dabbaaldegaayey,sidaa darteed fannaaniintii oo aad loogu baahday ayaa lookala direy gobollada dalka waxayna muujiyeen firfircooni,niyad,qalbi iyo waji furan oo qarannimadu ka muuqato.Xorriyadda markii la hantiyey,waxaa la filaayey in tixgelin la siiyo fannaaniinta soo halgamay.Hase yeeshee,fannaaniintu ma helin wixii ay filayeen.Taasi waxa ay noqotay nasiibdarro hor leh oo ku habsatay fanka iyo fannaanka,haatanna weli haysata.Lakiin marna xiisaha wax-soo-saarkoodu ma jabin,bulshaduna kama ay xiisodhicin oo habeen walba aad ayaa loogu buuxin jirey bandhigyada.Dakhligii kooxaha ruwaayadaha dhigaa wuu is bixin waayey taasina waxaa keenay wax-soo-saarka kooxaha oo yaraaday heer ay gaartay in sannadkiiba mar la dhigo riwaayad.Heesihii ay soo saarayeenna way ku noolaan kari waayeen sababta oo ah dhibaatooyin kala duwan oo ay la kulmeen awgeed.Dhibaatooyinkaa waxa ka mid ah:




1)qalab la’aan ku ajburtay in ay qalab kiro ah ku shaqaystaan,




2)golayaasha murtida iyo madadaalada oo ku yar magaallooyinka,




3)warbaahinta oo aan ka gadanaynin wax-soo-saarkooda oo kaga beddelata iidhehda ay u samayso riwaayadahooda,barnaamijyadooda ama heesaha ay soo saaraan ee ay u marinayaan telefishannada iyo ganacsato si xaqdarro ah u iibineysa wax-soo-saarka fannaaniinta.Arrimahaas iyo kuwo kale oo is biirsaday ayaa keenay in wax-soo-saarku hoos u dhaco,qiimaha fankuna uu ku baaba’o oo dadkii ciidansan jirey ay ka hawl yareystaan ama la niyad jabaan.Kooxaha arrimaha aan tilmaamnay sababsaday ma yara waana kuwo aan tiro lagu soo koobi Karin.




Waxaa nasiib weyn ah inay xukuumada siilaanyo ay wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta ay hoos gaysay fannaaniinta,tan oo ah tallaabo lagu farxo,ayaa haddanna meel ay wax ka si yihiin mooyaanne aannay fannaaniintu uga muuqan wax-soo-saarkoodii telefishanka iyo igaacada ay xukuumaddu ay gacanta ku hayso.Haddaynu wax qabadkii hore ee fannaaniinta ka soo haddalnay,aynnu wax yar dul istaagno Tartan fanneedkii uu qaban qaabiyay Telefishanka madaxabanaan ee horn cable tv,waxa uu ahaa tartan xiisahiisa lahaa  aadna u soo jiitay indhaha daawadayaasha,hadaba mar haddaynu xuquuq feker ka hadlayno may ahayn inay dayacaan midhihii ay shalay soo saareen,waxaad moodaa innaanu telefishankaaasi wax qorshaha aannu ka lahayn soo saarista fannaaniinta waayo?waxaad ku garan kartaa tan, markii xafladii gabagabada ay qabteenba,waxaa meesha kaga dhawaaqay inay shaqaalaysiiyeen fannaaniinta wasiirka warfaafinta oo aan ognahay in wasaaradaasi ay  fadhiidh ka dhigtay wax-soo-saarka fannaaniintii waaweynayd oo aannay meeshaas ka muuqan,hadaba sideebay fannaaniinta yar yar ee gacan qabashada u baahani uga hawl gali karaan halkaas?waa mid aan suurta gal ahayn,waxaad moodaa inay HcTV DAYACDAY fanniintaas,oo ay ahayd inay heshiis la galaan qalabeeyaan unna soo qaban qaabiyaan xafladdo ama showyo lacag laga samayn karo,balse marka horeba waxaan leeyahay wax qorshe ah oo ay ka lahaayeen ma jirin,oo aan ka ahayn Telifishanka ayaa Tartan qabtay uun mooyaanne.




Xeerka Fekerku  Muxuu ku Soo Kordhinaayaa Fanka Somaliland?




Tan ugu muhiimsani una horreysa waxaa weeye aqoonsi in ay helaan oo si sharci ah loo aqoonsado halabuurka iyo wax-soo-saarkooda taas oo aan hore u jirin.Cid walba oo ka qayb qaadatay shaqada halabuurka waxay helaysaa aqoonsiga ama xuquuqda qaybtii ay ku lahayd wax-soo-saarka ama shaqada halabuurka fanka.Tusaale ahaan;haddii album heeso ah soo baxo waxaa la kala ogaanayaa abwaankii curiyey, laxanka iyo codka qofkii lahaa,kooxdii muusigga tumeysay,qofkii tumaayey,kii isku dubbaridey iyo qofkii la siiyey inuu ku luuqeeyo,mid walibana xuquuq inta uu ku leeyahay ayuu ka helayaa faa’iidada shaqadaasi ka soo baxda.Wuxuu sharcigani ka xayirayaa in fasax la’aan ay cid kale ka faa’idisan karto.Xeerkani waxaa uu saamayn ku yeelanayaa:sawir qaadaha,qoraaga buugaagta,noocii la doono ha noqotee,iyo curiyaasha silsiladaha riwaayadaha ama filimmada.Wuxuu ka horjoogsanayaa:(i)habkii sharci-darrida ahayd ee loogu camalfalayey suugaanta;(ii)habkii khaldanaa ee looga ganacsanaayey fanka oo fakhri ku abuurey xaqlaha iyo horumarka fanka;(iii)barnaamij aan rukhsad lahayn,iyo(iv)habka ay warbaahintu ula macaamilaan kooxaha fanka iyo badeecadda ay gacanta ku hayaan oo dib loo eegi doono.




Hindisahan oo in mudo ah maskaxdayda ka guuxayey ayaa la soo gaadhay,xilligii ay hirgalin lahayd wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland.Waxaa ay dawladdu aqoonsatay in wax-soo-saarka fannaaniintu uu yahay hanta ku fadhida qiimo weyn oo ay waajib tahay in laga hortago wixii dhibaateynaya,sidaas darteed,waa in la isku af gartaa sidii loo diyaarin lahaa xafiis hawshaas u xil saran oo dhawaan laga furaa dalka.Xafiiskani ma noqonayo mid u gaar ah fanka oo keliya ee waxaa adeegsan kara qaybaha halabuurka ee kala duwan.Fannaaniintuna waa inay gartaan in shaqada habkii ay u qaban jireen ay wax ka beddelaan si ay uga faa’iidaysan karaan uguna diyaargaroobaan la saanqaadka iyo hirgelinta xeerka cusub.




Inta aan si buuxda loo hirgelin xeerka cusub ee xuquuqda fekerka waa in la qabtaa shirar badan oo aqoon-isweydaarsi ah oo lagu faaqidaayo xeerkan cusub iyo sidii uu meelmar ku noqon lahaa oo u shaqayn lahaa.Waana in aqoonyahano waddaniya iyo kuwo ajnabi ah iska kaashadaan sidii ay faah-faahin dheeraad ah uga bixin lahaayeen xeerkan una macnayn lahaayeen qaabka hawgalintiisa.Qaybaha faraha badan ee fanka ku hawlan ayaa laga sugayaa inay ka soo qayb galaan kaalintoodana ka qaataan sida ugu waxtarsan ee xeerkan loo hirgelin karo si looga baxo dulmiga,tixgelin la’aanta xuquuqda fekerka iyo ka faa’iideysi la’aanta halabuurka dadka.Hirgelinta xeerka cusubi waxaa uu dhabbaha u xaarayaa ganacsi cusub oo casri ah oo dani ay ugu jirto qaybaha kala duwan ee halabuurka iyo kuwa ku hawlan ama ka ganacsada wax-soo-saarka fanka.Sidaa daraadeed,ayay tahay in qaybaha oo dhammi taageeradooda u muujiyaan taabbo-gelinta xeerka cusub ee la doonayo in lagu horumariyo laguna xaqdhawro shaqada ama fekerka halabuurka fannaanka.Waayo badeecadda ka soo baxda maskaxda ayaa la mid noqonaysa kuwa caadiga ah.Ganacsatadu waa ku sharfan yihiin dedaal-kooda,taas oo ah xiisaha kalago’a aan lahayn oo ay ka muujiyeen kalgacaylka ay u hayaan fanka.Balse waa in ay aqbalaan xeerkan kaalintoodana ka qaataan isbeddelka cusub ee la filaayo in uu hadda si wanaagsan u hirgalo kaas oo ah in habkii hore  looga ganacsanaayey fanka looga guuri doono hab cusub oo casri ah oo hadda ka dib waxtar u yeelanaya saddexda qeybood eek ala ah:ganacsatada,xaqlaha iyo adeegsadaha.Wixii habkaas ka duwan wuxuu noqonayaa wax sharci aan ahayn(sharci-darro)oo maskax-maalka(curiyaha)ama fannaaniinta dulminaya.Dulmiguna waa dib-u-dhac ay tahay in hore looga gudbo.




Qalinka:C/naasir Guray Meecaad




Mob:063-4462703/065-9097073.




Email:Noolahabadan@gmail.com.