Waddanka Somaliland oo xoriyadiisa la soo noqday 23-sanno ka hor, wuxuu ka dhashay halgankii qadhaadha ee uu Qaranimadiisa ku soo dhacsaday, cadaalad darro ka soo gaadhay midowgii 1960, ay Somaliland la midowday Goboladii Koonfureed ee Soomaaliya, waxaana casharadii laga bartay dulmigaas ee ilaa hadda la eersado kow ka ahaa, kadib markii wax kastaa ku soo uruureen Magaaladda Muqdisho, taas oo horseed ka ahayd bur-burkii ku yimi wixii laysku odhan jiray Soomaaliya. Nasiib darro 23-sanno kadib waxaa Somaliland ka taagan wixii ay wakhtigaas ka dagaalantay, taas oo dhammaan khayraadkii dalka, shaqo abuurkii, ururadii bulshada, kuwii saxaafadda lagu soo koobay Hargaysa. Dhaqanka nocaas ah ee laga dhaxlay maamuladii kala danbeeyay ee waddanka soo maraa, waxay keentay in qofkii Goblada bari ka yimaada loo arko muwaadin darajada labaad ah.
Ururadii Saxaafadda ayaa hadda maraaya inay ku loo lamaan 5-qof oo walaalo iyo ilmadeer ahi, halka aanay Somaliland inteedi kale hoodh lagu qoysanayn, waxaa iyana jira Dalado sheegta inay ka wakiil yihiin dhalinyaradda Somaliland, balse sidaanu ognahay u xuubsiibtay Urur kaliya oo ka dhisan Hargaysa, kaas oo aanay ku jirin xitaa wax gaadha 3-urur. Waxayna ku xaadiraan dhammaan inay matalaan Gobolada Somaliland, Wasaaraddii dhalinyaradda iyo ciyaaraha ayaa iyana nasiib darro qayb ka noqotay. Nidaamka shaqada ayaa isna ah midkay ka taagan tahay cadaalad darrada ugu weyni, Gobolada Bariga marka laysu geeyo kama shaqeeyaan 200-qof, shaqaalaha shicibka ah ee dawliga ah. Halka ay tirada shaqaaluhu marayso 35000.
Waxaa ka sii daran, marka qofka loo garto inuu ka soo jeedo Gobolada Bariga waxaa loo sameeya sabab lagu duudsiyo, taas oo ah sidan. "Waxaad ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha oo waxaad rabtaa cadaalad darro, waxaad ka soo jeeda Beesha Guddoomiyaha Xisbiga WADANI oo waxaad rabtaa inaad xoog wax ku qabsato, waxaad ka soo jeeda Beelaha Harti, ee Dhulbahante iyo Warsangali oo idinku Somaliland ma tihidin". Taas oo noqotay sababaha kaliya ee qofka xaqiisa lagu duudsiyo, halka aan dhibaato loo arkayn in 5-qof oo Hargaysa ka soo jeeda, ama xaafad kaliya ka soo jeeda matali karaan guud ahaan Somaliland. Waxaa iyana ku guul daraystay Xukuumadda Somaliland oo raacday dariiqa kuwii ka horeeyay, iyadoo indhaha ka qarsanaynsa cadaalad iyo sinaan ay helaan gobolada barigu.
Haddaba dhalinyaradda Gobolada Bariga iyo Saxaafadda Goboladaas ku sugani waxay go'aan sadeen in lagaadhay wakhtigii ay aayahooda ka tashan lahayeen, mar hadii aan loo sinayn dheefta waddankay wada lahayeen ee ay abayashood u soo halgameen, isla markaana Xukumaadihii kala danbeeyay cajabisay dhal-dhalaalka Caasimaddu, waxayna dadka rer Hargaysa ilowsan yihiin in aanay Hargaysi jirayn, oo aanay Somaliland jirayn haddii Cadaalad la waayo. "Ragg Cadaalad Waayay Sidii Cawsha Kala Yaac". Kala qaybinta iyo tuhunada bulshada lagu soo tuuray waxaa ka danbeeya dadka rer Hargaysa si aan loo arag dulmiga ay ku sugan yihiin Gobolada Barigu, waxaa tusaale kugu filan Burco oo uu Madaxweynaha Somaliland ka soo jeedo, malaha Xabsi, malaha Saldhig qaybeed, malaha shaqo abuur. Si ay Markaa xaqa Burco iyo Gobolada Bari loo duudsiyo waa in dacaayado la abuura, Gobolka Sanaag oo ugu weyn Somaliland wuu ka sii liita Burco, Sool, Buhoodle, Daadmadheedh, Xaysimo iyo Saraar
hadalkooda daa waxaana sabab u ah tabashada dadka degankaas cadaalad xumada Hargaysa taala. Waxaanu qabnaa in Afmiishaarka, Siyaasiga nagu guura, Iyo Dacaayada Naxliga huwan ee dadka lagu kala dilaayaba Hargaysa nooga yimaadanm balse aanay jirin wax lexejeclo iyo dal wada ilaashi ah oo nooga yimaada, wuxuu xaalka Hargaysi hadda marayaa dhaqanka Muqdisho hadda ka jira ee ay ku baxday tiraabta caanka noqotey oo ah midkay Beesha Abgaal U Tidhaahdo, "Shirarka Inoo Fura Dhammaan Ummaddii Soomaaliyeed Way Dhantahaye". Haddaba waxaanu cod dheer ku leenahay, alleylehe siday Gobolada Bari Somaliland ugu liseen looguma hanbayn, mana gayaan darajada labaad ee Muwaadinimo. Shirkani wuxuu qabsoomi doona dhammaadka bishan.
Guddida Abaabulka Shirka Gobolada Bari, ee Ururada Dhalinyaradda iyo Saxaafadda.