Tuesday, August 12, 2014

Xildhibaanno saaka isku faro saaray xarunta Golaha Wakiillada Somaliland


Hargeysa(GNA)-Laba xildhibaan oo ka wada tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa isku gacan saaray Xarunta golaha  wakiilada.




Labadan xildhibaan ayaa kala ah  Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Black) iyo Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ka mid mudaneyaasha Xisbiga talada haya ee Kulmiye, isla markana ka soo jeeda Gobolka Gabiley.




Mid ka mid ah labada Xildhibaan ayaa la sheegay in Nabar ka soo gaadhay Wajiga, isla markaama Cisbitaalka la geeyay.




Doodda u socotay Golaha Wakiillada ayaa kululayd maalmahan, kaddib markii uu saddex maalmood ka hor furmay Kal-fadhiga Goluhu.




maaha markii ugu horeysay ee gacan ka hadal dhex maro Xildhibaano sanadkan gudihiisa, balse muddo bilo ka soo wareegeen hada, ayaa dagaal feedh feedh ah waxa uu dhex maray laba Mudane oo ka qayb gelayay dood golaha u socotay.