Tuesday, August 12, 2014

Arrin layaab leh oo maanta Muqdisho ka dhacday, Madaxweynuhu soo degayey


XasandshMuqdisho(GNA)-Inta badan Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa xiligan xiran ,maadaama  Madaxweynaha Soomaaliya uu  goordhaw kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib safar dalka Mareykanka ah oo uu kasoo laabtay.




Xirnaashaha wadooyinka Muqdisho xiliyada ay dalka ka dhoofayaan ama kasoo dagayaan Madaxda Dowlada Soomaaliya ayaa saameyn badan ku yeesha dadka rayidka ah oo loo diido in ay maraan Wadooyinka qaarkood.




hadaba Waxa intii waddooyinku xirnaayeen  agagaarka Bangiga Dhaxe ee Magaalada Muqdisho wado dhaxdeeda ku umushay Haweeney Soomaaliyeed oo lagu waday Cisbitaal, kaddib markii ay foolatay, taasoo  Ciidamada Dowlada ay u diideen gaariga waday inay gaarsiiyaan goob caafimaad.




Mid kamid ah Goob joogayaal kusugnaa halka haweeneydan ku umushay ayaa Allbanaadir u  sheegay in Ciidamada wadooyinka xireen ay u diideen in uu laamiga maro gaari waday gabadhaha foosha aheed oo xiligaas xanuun daran hayay , waxa uuna intaa raaciyay xitaa in loo diiday in gabadhaasi goob caafimaad loo qaado iyada oo qeybo kamid ah ilmaha ay gabadha banaanka uga soo baxeen.




Gabadha Foosha aheed ayaa ugu dambeyn waxa ay ku dhashay laamiga dhinaciisa , waxaana arintan si aad uga xumaaday dad badan oo kusugnaa halka ay gabadhan dhibku ku qabsaday loona diiday in Isbitaal lagu geeyo gaari waday xiligaasi.




Source: ALLBANAADIR