Hargeysa(GNA)-Laba qof oo lagu sheegay Dhalinyaro ayaa isku dilay Hargeysa, kaddib markii ay xadhig qoorta iskaga dabeen ama isdeldeleen.
Falalka noocan ah ayaa dhif iyo naadir uga dhaca Hargeysa, iyadoo sanadkiiba hal kiis oo noocan ah la arko.
Laakiinse labadan dhacdo oo sida laga soo xigtay laamaha amniga isku maalin dhacay, ayaa argagax badan abuuray .
Mid ka mid ah dhacdooyinka ayaa laga soo sheegay goor sii horaysay Xaafadda sheedaha, kalena waxa la wariyay inuu ka dhacay Xaafadda kale ee Siinay .
Warbaahinta qaar ayaa sheegaya inay labaduba ahaayeen dhalinyaro .
Laamaha bilayska ayaan ilaa hada laga helin war faahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinka.
Tafaasiil cad lagama hayo inay dadkani yihiin kuwo la aqoonsaday in kale, inkasta oo ay saraakiisha caafimaadka qaarkood noo xaqiijiyeen inay ahaayeen niman aqoonin ah ama la garanayo.
Dilalka noocan ee qofku iskhaarajiyo ayaa inta badan ka yimaada xanuunnada nafsaaniga ah ee qofka raadka ku yeesha noloshiisa ama arrimo kale oo nafsiyan saameeya.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com