Tuesday, August 19, 2014

Guddoomiyaha Degmada Duruqsi Oo iska difaacay eedaymo loo jeediyay


[caption id="attachment_93374" align="alignleft" width="300"]duqa Duruqsi oo isdifaacay duqa Duruqsi oo isdifaacay[/caption]Burco(GNA)- Shir-Jaraid Oo Uu Maanta ku Qabtay Magaladda Burco Guddoomiyaha Degmadda Duruqsi Ee Gobalka Togdheer Axmed C/Laahi Gaabyoome ayaa Si Cad u Beeniyay Warar Laga Qoray Degmadaasi Kaasi Oo Masuuliyinta Degmadaasi Lagu Eedeyay Musuq-Maasuq.




Guddoomiyaha ayaa Shegay in Nin Lagu Magacabo Kayse Cabdi Dirir Oo Shegtay Haydhka Tuulada Duruqsi Aanu ahayn isla Markaasna Uu ka Been Sheegay Haydhkii Tuladaasi Waxaanu Ugu Digay in Aanu Marlabaad Sheganin inuu Yahay Haydhka Tuladasi.




Gudoomiyaha Degmadda Duruqsi Axmed C/Laahi GaabYoome ayaa Sidoo Kale Shegay in Degmadda Duruqsi ay Kow ka Tahay Dhanka Horumarka Degmooyinka Kale Ee Hoos Yimada Gobalka Togdheer.




Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan " Anigoo ah Gudomiyihii Degmadda Duruqsi Waxaan Maanta Shirkan jaraa,id u Qabtay in Aan Beniyo Nin Sheegtay Haydhkii Tuulada Duruqsi Oo Yidhi Musuq-Maasuq ayaa Curyamiyay Degmada,Waxanan Beeninayaa Warar Been ah Oo Degmada Duruqsi Laga Qoray Oo ay ka Qoreen Dad Aan Waxba ka Ogayn Degmada Waxna Aan ka Xishoonayn,Waxaan u arkaa inay Taasi Danbi ku Tahay Degmada Duruqsi,Aniga iyo Qarankaba,Waxaan ka Digayaa Oo Aan Leeyahay Qofka Kasta Oo Falalka Noocasi Oo Kale ah ku Kacaya inuu ka been Abuuro Waxqabadka  Degmadda Waa Danbi Qaran Runtii,Waxaan Ugu Baqayaa Shakhsiyaadka Noocasi Oo Kale ah inay ka Waantoban Wararka Noocasi Oo Kale ah Waa Mid Aan Qabanin Shacabka Degaankaasi Mana Aqbali-Doono in Dadka Qaar iskaga Hadlaan wararka Noocasi Oo Kale ah,Waxaan Jecelahay Qof Kasta Oo Reer Somaliland ah inuu Yimaado Degmadda Duruqsi si Uu u Arko Horumarka iyo Waxqabadka Degmadda,Waxaan Hubaa inay Degmadda Duruqsi Kow ka Tahay Dhanka Horumarka Degmooyinka kale Ee Hoos Yimada Gobalka Togdheer,Waxaan cadaynayaa Degmada Darejedeedu inay Tahay D, Sideed Wasaradood ayaanay Xaq u leedahay inay usoo Qadimaan adeega Bulshada,Sideedii Wasaradoodba Way Jogaan Degmadda Duruqsi Waxa usii Dheer Kastamkii iyo immigration-kii Oo Loogu Tallo-Galay inay Noqoto Meel Laga Talaabo,Dadka Been abuurka Samaynayaa ee leh Duruqsi Way Baaba-day Oo Degmoyinkii Kale ayay ka Hadhay Waxaan Idin Leeyahay Waa  War Beena Oo Aanay Habar-Yaratee Waxba ka Jirin,Waa Degmooyinka ay Xukumada Wax ka Qabatay,Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi''Ninka la Dhaho Kayse Cabdi Dirir Ee Sheegtay Haydhka Tuulada Duruqsi Wuxuu ka Been Abuuray Haydhkii Tuulada Waxaanu ka Mid Yahay Yaryarka Jooga Degmadda Wuxuu Shegay in Daynabidii Cagafta la Xaday Waa Been,Wuxuu Kale Oo Uu Shegay in Gadhigii Labaad Ee Degmada Anigu Aan Siiya Walaalkay Waa Been Cad Oo Aanay Waxba ka Jirin" Ayuu Yidhi Gudomiyaha Degmadda Duruqsi




Si Kastaba ha ahatee Shirkani Jaraid Ee Uu Qabtay Gudomiyaha Degmadda Duruqsi ayaa Ku Soo Beegmaysa Wakhti Mudooyinkii u Danbeyayba Maamulka Degmadaasi Lagu Eedaynayay Musuq-Masuq Balse Gudoomiyaha Degmadaasi ayaa Cadeeyay in Degmadaasi Dhanka Horumarka Dhaaftay Guud ahaanba Degmoyinka kale ee hoos yimada Gobalka Togdheer.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




axmedmm9@hotmail.com