Saturday, August 23, 2014

Carruur Gaajo ugu dhimatay Buulo-burte


Qiimaha Killooga Bariiska ah oo gaarey $5 iyo Dibad-baxyo looga soo horjeedo Go’doonka Magaalada oo maanta dhacay..




[caption id="attachment_93651" align="alignleft" width="300"]Shacbiga reer Buulo-burte oo ka mudaharaaday nolol xumo Shacbiga reer Buulo-burte oo ka mudaharaaday nolol xumo[/caption]Buulo-burte(GNA)-Xaalad nolol xumo oo adag ayaa ka taagan Degmada Buullo-burte ee Gobolka Hiiraan, kaddib markii ay cirka isku shareertay Cuntada daruuriga ah.




Ugu yaraan laba carruur ah ayaa la sheegay inay ugu dhinteen Gudaha Magaalada Gaajo, kaddib markii ay Waalidkood waayeen cunno ay ku quudiyaan.




Arrintan ayaa ka dhalatay go’doomin Kooxda Alshabaab ku soo rogtay Deegaanka, markii ay Ciidamada Dawladda iyo Kuwa AMISOM kala wareegeen bilo ka hor.




Kooxda Alshabaab ayaa gabi ahaanba xanibtay Waddooyinka laga soo galo degmadaas, si ay Sahayda uga xiraan Ciidamada halkaas ku sugan, hase ahaatee talaabadaas ayaa saameysay dadka rayidka ah oo qudha.




Magaalada ayaa noqotay saldhig milateri, dhowrkii bilood ee u dambeeyay.




Dibad-bax ka dhacay maanta




Banaan bax looga soo horjeedo Sicir bararka cuntada ayaa ka dhacay Maanta Magaalada gudaheeda, kaasoo ay bulshadu ku dalbanayaan in xayiraada laga qaado.




Qiimaha Raashinka Daruuriga ah, ayaa gaarey heer aanay dadka danyarta ahi iibsan Karin, waxaana Killooga Bariiska ah la siinayaa 100 Shls oo u dhiganta ($5), iyadoo burka iyo cuntooyinka kalena la mid yihiin.




Dad goob-joogeyaala ayaa Warbaahinta u sheegay in Mudaharaadka Saakay Magaalada ka dhacay uu ku aadanaa diidmo ka dhan ah Xarakada Alshabaab.




Dadka ayaa cabashadooda u diray dawladda, oo ay ku eeddeeyeen inay ku daawanayso xaalad nolol xumo qalafsan.




Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ee ku sugan degmada ayaa Sahayda loogu keenaa Diyaarado, halka gaadiidkii Baddeecadaha soo gelin jiray Magaaladu xayiranyihiin.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda oo la xidhiidha dhibaatada degmada ka jirta, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in tiro carruur ah  ay gaajo iyo nafaqo daro  ugu dhinteen Magaalada tan iyo intii xayiraadu la doo deristay.




Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro gaadmo ah ku soo qaaday magaalada, waxaana ka mid ahaa weerar ay Bishii April ku soo qaaday oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM ee Djibouti dhashay, Saraakiil dawladda Soomaaliya ka tirsan iyo askar.




Weerarkaasi waxa laga fuliyay Hudheel ku yaallay Magaalada oo ay seexan jireen Masuuliyiintu, kaasoo ay goor habeenimo ah qaraxyo ka fuliyeen dagaal yahano Alshabaab ka tirsan oo ismiidaamiyay.




Gobanimonews




Muqdisho Offic




Email: editor@gobanimonews.com