Saturday, August 23, 2014

Al-Shabaab oo degmada Baraawe ku gubtay sigaar iyo tubaako (SAWIRRO)


Muqdisho (GNA) Maamulka Al-shabaab ee degmada Baraawe ayaa fagaare ku yaala degmadaas ku gubay maandooriye isugu jira sigaar fara badan tubaako la doonayey in degmadaas si qarsoodi ah lagu geliyo.




sigaar sigaar4
Sigaarka iyo tubaakadan oo lagu soo qariyey jawaano, caagag waaweyn iyo taayerada baabuurta ayaa xoogaga Al-shabaab waxay ku qabteen gudaha degmadaas, iyagoo xiray ninkii watay.
Al-shabaab ayaa dadweynaha ku dhaqan Baraawe shalay galab isugu yeeray dadweyne fara badan iyagoo ka dibna dab qabadsiiyey sigaarkii iyo tubaakadii ay soo qabteen.




sigaar3
Sidoo kale ninkii watay sigaarka iyo tubaakada la gubay ayaa waxaa lagu dhuftay 35 karbaash oo tacsiir ah, iyagoo ka dibna iska sii daayey, waxaana xukunkan uu ku soo aadayaa xili Al-shabaab ay horey uga mamnuucday degaanada ay maamusho isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha sida Qaadka, tubaakada, Sigaarka iyo noocyada kale xashiishka loo yaqaano