Thursday, August 7, 2014

Bilayska Somaliland oo Boorama ku qabtay Nin Dhar Dumar ku lebisan.Daawo


Hoos ka daawo:Taliyaha Bilayska Awdal oo ka hadlay dhacdadan oo noqonaysa tii labaad ee Somaliland ka dhacda sanadkan




[caption id="attachment_92540" align="alignleft" width="300"]Ninkan dumarka isku soo eegaysiiyey Ninkan dumarka isku soo eegaysiiyey[/caption]Boorama(GNA)-Waxa maanta Ciidamada Bilayska magaalada Borama  gacanta ku sooo dhigeen islamarkaasina xabsiga dhigeen nin ku labisan dharka dumarka, kaasoo isagoo suuq ka adeegganaya la ogaaday.




Ninkan ayaa ciidamada boliska waxa u soo sheegtay haweenay khudaar ku iibisa sariimada xaafada Axmed Guray ee magaalada Borama ,kadib markii ay aragtay ninkan oo xidhan jilbaab iyo niqaam kana adeeganaya suuqa .




Taliyaha ciidamada Bilayska Ee G.Awdal  Cabdi Barkhad Khayre Mr.Arawelo, oo warbaahinta u waramayay ayaa waxa uu sheegay in ay ninkan hada baadhitaan ku hayaan islamarkaasina wixii kukalifay in uu labiskan xidho la ogaandoono, balse hada aanu jeclayn in uu ka hordhoco baadhista.




Waxakale oo uu taliye Araweelo intaasi raaciyay in bulshada ay uga digayaan dhaqan xumada sidan oo kale ah islamarkaasina sharci ahaaan, diinahaan iyo dhaqan ahaanba ay reeban yihiin in dharka dumarka ay ragu isticmaalaan ama ay ku labistaan waxana uu xusay in kiiskani uu yahay mid ku cusub bilayska .




Gabagabadiina waxa uu taliyuhu u mahad celiyay gabadhii ciidamada bilayska u soo sheegtay ninkan waxaanu bulshada ka codsaday in ay ka foojignaadaan isla markaasina ay la soo socodsiiyaan booliska dhacdooyinka sidan oo kale ah.




Dhinacakale ninkan dharka dumarka xidhnaa oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ee dalkaasi Ehtobiya ayaa sheegay in ay haweenay dharkan u soo toshay si uu ugu shaqeeyo goobaha dumarka ay ka ganacsadaan, waxana ciidanku soo xidheen isla gabadhii ninkan uu sheegay.




Sikastaba ha haatee dadka u kuur gala arimaha sirdoonka ayaa sheegaya in arimahan oo kale ay keeni karaan kasokow dhaqan xumo , nabadgalyo daro baahsan.




Dhawaan ayay ahayd markii ay Ciidanka Bilayska Somaliland Magaalada Hargeysa ku qabteen Nin xijaab xidhan oo marayay meel suuq badhtankii ah.




Ninkaasi ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana looga shakiyay falal amni Dario “ Ninkaa suuqa ayaa Ciidanku ka qabtay, isagoo maraya”sidaas waxa yidhi Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal.




Halka ka Daawo Taliyaha Bilayska:




Mustafe Boorama




Gobanimonews




Boorama Office