Thursday, August 21, 2014

Beello ka soo kala jeeda Buuhoodle iyo Qorulugud oo ka heshiiyey Dil hore


[caption id="attachment_93460" align="alignleft" width="300"]Waxgaradka labada ardaa oo Mag kala guddoomay Waxgaradka labada ardaa oo Mag kala guddoomay[/caption]




Oog(GNA)-Heshiis lagu kala qaatay magtii ugu horaysay oo dhexmaray laba beelood oo kala soo kala jeeda  Buuhoodle iyo qori lugud ayaa maanta lagaga dhawaaqay Magaalada Oog oo ka tirsan Gobolka Saraar.




labadan beelood oo kala ah Abokor Cabdile iyo Reer Hagar waxay ka wada xaalayeen dhacdo dil ah oo dhawaan ka dhacday  meel u dhaxaysa qorulugud iyo buuhoodle, taasoo  uu ku dhintay marxuum ka soo jeeda beesha  Buuhoodle ee Reer hagar.




Labadan ardaa waxay ku kuheshiiyeen inay Mag dhaw kala qaataan Dilkan dhexmaray, iyadoo Beesha Abokor Cabdile dhigooda Reer Hagar kuwareejiyeen qorigii hore looga furtay marxuumkii la dilay  1000  Doolar oo ah Aaskii marxuumka, 500 oo xaal ah iyo 3000 oo ah mag horteed.




Xubno kamida labadan ardaa ee maanta heshiisku dhexmaray oo munaasibadan kahadlay ayaa beelaha kale ee walaalahooda ee ku dhaqan Deegaamadaasi ugu baaqay inay iyaguna kudaydaan isla markaana ay kaheshiiyaan colaada gaamurtay isla markaan ka shaqeeyaan wanaaga iyo nabada.




Sidoo kalena waxgarad kasoo jeeda deegaanka Oog ee kulankani kadhacayay ay labadan beelood ku amaaneen sida ay dhexdooda uga wada xaaleen mashaqadii dhexmartay,waxaanay tilmaameen inay tani tahay horumar loo qaaday dhinaca nabada.




si kastaba ha ahaatee heshiiska labadan beelood ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah ee dhexmara beelihii horey dirirtu ugu dhexmartay Baliga Kalshaale.




Kuwaasoo shaqaaqooyin soo noqnoqday  iyo iska hor imaadyo dhexmareen, waxaana laga yaaba in heshiiskani noqdo fure lagaga nasto colaadii beryii ugu danbeysay degaankaasi ka taagnayd .




Axmed Muuse Maxmed




Gobanimonews




Burco  Office




Email: axmedmm9@hotmail.com