Waxan galabta u laabanaynaa arimihii madadaaladda oo waxaynu ka yara baxaynaa arimihii siyaasadda waxanan soo gudbinayaa sheeko qoto dheer amma isla markaana xoogaa qosolana leh
Waxayna ku saabasantahay nin soomaray nolol aad u fiican iyo shaqooyin farabadan balse aan markii dambe ku waarani ladnaantii aduunka oo inta uu camal beelay wakhtigu yara qabtay magaaladda Hargaysa
Maalin maalmaha kamidda ayaa ninkaas aynu kor kusoo sheeganay waxa uu u shaxaad tegay nin ay saaxiib ahaayeen waxaanu lasii hadalay habeenkii oo uu ku yidhi saaxiib beri ayaan kuu imanayaa ee qaadkaga iska sii diyaari
Waayahay
Hadaba ninkii odayga ahaa waxa uu markii waagu beryaya u dhaqaaqay xagii saaxiibkiisii uu balanta lalahaa
Markii uu gaadhay goobtii uu usocday kana helay saxiibkii
salaan kadiba saaxiibkii wuu soo anbabixiyay oo wixii uu ka codsaday ayuu soo siiyay oo kuyidhi orod saaxiib iska qayilaad
waayahay ee nabad gelyo ayuu kaga yimi saaxiibkii isaga oo faraxsan
Hadab ninkii bilaa camalka ahaa waxa uu kasii fekeray goobta iyo merfeshka uu fadhiisanaayo iyo weliba halka amma kolayga uu qaadka ka iibsanaayo
barnaamijkiisii ayuu diyaarsaday waxaanu go.aan ku qaatay merfesh hebel fadhiiso qaadkana waxaad ka iibsataa kolaygii GAAFANE oo weliba ka 200bm Duhurnimo soodhaca ee gaadhiga dambe iibso
Waayahay markii xaajaddu halkaas marayso ayaa qaadkii soo dhacay waanu iibsaday kadib markii uu qaadkii qaatay ayuu isyidhi waar mantoo dhan ayaad bacad taagnayde xamaamkan ku yara maydho waxaanu ku leexday xamaam aan sidaa uga fogayn kolaygii uu qaadka ka iibsaday
Waxanna uu u leexday xamaamkii markii uu soogaadhay xamaakii ayuu ninkii xamaamka haystay intuu qaadkii u dhiibtay ayuu ku yidhi ii hay waan maydhanayaaye kadib waxa uu iska galay xamaamkii hadaba ninkii xamaamka lahaa amma haystay ee Qaadka loo dhiibtay oo maqalkiisii lacagta dulsaaray Qaadkii ayaa yara kacay
Intii uu maqnaa ayaa waxa soo daba martay oo Qaadkii qaadatay Ri.
Isaguna maba xasuusan ee wuu iska fadhiistay meeshiisii
Ninkii Qaadka lahaa ayaa soo baxay markii uu maydhay waxaanu iska bixiyaya lacagtii xamaamka kadib waxa uu ninkii xamamka waydiistay Qaadkii uu dhiibtay oo wuxu ku yidhi walaal Qaadkaygii isii dabeed ninkii xamaamka ayaa isyidhi sii ninka Qaadkiisa wuu eegay meeshii uu dhigay Qaadka Mise mayaalo maqalkii iyo agagaarkiisii ayuu ka baadhay waa uu waayay Qaadkii dabeedna waxa kusoo xoomay dadkii meesha ka ag dhawaa
Waxana ninkii qaylinaayay la waydiiyay waxa helay
kadib wuxuu ku jawaabay Ninkan xamaamka haysta waxan u dhiibtay NUS KIILOO Qaada bal waydiiya Qaadkaygii halkuu geeyay ayuu yidhi isagoo qalbi jaba dabeedna intaanu Ninkii Xamaamka haystay jawaabin ayuu Wiil yar oo ilaa 7ba jir ahi yidhi Waatii RI.DU sii wadatay Qaadkii
Ninkii Qaad Qamaxa ahaa ayaa intuu Wiilkii yaraa sanka kasoo galay ku yidhi Ooo Adeer Wejigeeddii Magaranaysaa
Sheekadan waxan kasoo naqliyay Buuga Diiwaanka Qosolka
By Sacad Cali Kaahin Raamalay
Sacad plucky
Qalin Ku Difaac Group