Monday, January 27, 2014

Cade Muuse: Somaliland Wanaag Baa Nagadhexeeya


images (7)Garoowe (GNA):– Madaxwaynihii hore ee Maamul Gobolleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse), ayaa ka hadlay xidhiidhka dhanka nabadgalyada ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Maamulka Garoowe, waxaanu sheegay in labada dhinac ay ka dhexeyso wadashaqeyn.




 




Cadde Muuse, oo ka hadlayay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay inaan wax dhibaato ahi dhex oolin Somaliland iyo Puntland isla-markaana uu ka dhexeeyo is dhex mar iyo hadba dambiilaha ka firxada labada dhinac midkood uu ka kale u soo gacan galiyo, taasi oo la xidhiidha wada shaqeynta dhanka Ammaanka ah.




 




Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Somaliland  hadda way jirtaa, Wanaag iyo is dhex marbaa naga dhexeeya, wax dhibaato ahina ma jirto”




Cadde Muuse, oo sii hadlaya ayaa sheegay “Dambi hadduu dhaco waanu isku dhiibnaa, oo qolada kale ayaa soo qabata (Qofka dambi gala) oo qolada kale ayaa loo dhiibaa, annaguna waanu u gudbinaa, iyaguna way noo soo gudbiyaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Wax dhibaato ma jirto, laakiin waxbaa la qodqodayaa, waxaasina socon maayaan”




 




Gobanimonews-Desk




Garoowe/Somalia