Wednesday, January 29, 2014

Ciidamada Midowga Yurub oo loo fasaxay inay awood u isticmaalaan Afrikada Dhexe


midoga-300x198Centeral Africa (GNA) Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qaraar ogolaanaya in ciidamada Midowga Yurub ee tagi doona Jamhuuriyada Afrika Dhexe in ay isticmaali karaan awood militari si ay amniga u sugaan.




Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in 500 oo askari ku xoojiyaan ciidamada ka socda Faransiiska iyo Midowga Afrika ee imika ku sugan wadankaasi.




Ciidamadan ayaa qorshahoodu yahay inay hubka ka dhigaan maleeshiyaadka muslimiinta ah iyo kuwa kirishtaanka ah oo uu dagaalo ku dhexmarayey wadankaasi Afrika Dhexe, tan iyo intii xukunka laga tuuray xukuumadii wadankaasi 10 bilood kahor.




Dagaalada ka socday Afrika Dhexe ayey ku baro kaceen kumanaan kun oo shacab rayid ah kuwaasi oo isugu jira Muslimiin iyo kirishtaan




 




Gobanimo-Desk




Hargeysa/Somaliland