Friday, January 24, 2014

Daawo Sawirrada Xafladii Caleemo Saarka Mas’uuliyiinta Sarsare Ee Maamul Goboleedka Puntiland Oo Xalay Ka Dhacay Garoowe


1719Garoowe-(GNA)-Munaasibadda caleemo saarka madaxda cusub ee dowladda Puntland ayaa saakay lagu qabtay xarunta Hay’adda PDRC ee magalada Garowe,waxayna socotay mudo saacado ah oo dhamaan dadkii kasoo qayb galay ay ku wada qanceen qaabka loosoo agaasimay.




Wafdiyo ka kala socda QM, EU., GAD, Norwey, Turkiga, Talyaaniga, Itoobiya, Jabuuti, DFS, mamulka Jubba, Galmudug, Ximan iyo xeeb, xildhibaano hore, siyaasiyiin magac ku leh Somalia, haween, aqoon yahano, qurba joog, madaxwaynihii hore ee Punlland Cadde Muuse, Dr.Faroole ayaa xaflada caleemo saarka ka soo qayb galay. waxayna dhamaan dadkaasi tilmaameen inay Puntland gaartay heer wanaagsan oo lagu faani karo.




Ugu horayntii Marwo Caasho Geelle Diiriye oo gudoomiye u ah guddiga diyaarinta xafladda caleemo saarka ayaa dadkii kasoo qayb gallay la hadashay,waxayna sheegtay xafladu inay tahay labo qaybood,tan kowaad ay ka dhic doonta PDRC tan labaadna ay ka dhici doonta galabta ilaa caawa xarunta madaxtooyadda dowladda Puntland.




Safiirka Midowga Yurub ee Somalia kan QM ,masuuliyiin ka socday dalal badan oo saaxiib dhow la ah Somalia ayaa munaasibada ka hadlay,waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen madaxda cusub ee dowladda Puntland oo ay ku tilmaameen inay yihiin dad karti u leh wax u qabashada dadkooda.




Wafdiyadii kale ee mamulada dalka ka socday iyo dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa dhankooda boggaadiy madaxda cusub.




Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) oo goobta ka hadlay ayaa madaxda cusub kula dardaarmay inay si wanaagsan oo cadaalad ah dadkooda ugu shaqeeyaan isla markasna ay ka fogaadaan wax la yiraaho nin jeclaysi.




Madaxwaynaha dhowaan xilka ka dagay Dr.CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed(Farole) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay xaladda ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in xili kasta laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed,wuxuna balan qaaday inta awoodiisa ah inuu la shaqayn doono madaxda cusub uuna ka taageeri doono waxay u baahan yihiin.




Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxmaed Cali(Gaas) oo soo jeediyay khudbad uu ku akhriyay afka Ingiriiska ayaa ku cabiray waxyaabaha uu shanta sano xooga saari doono,waxaa ka mid ahaa arrimaha uu ka hadlay adkaynta ammaanka,hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha,midnimada iyo gaarsiinta addeegyadda shacabka Puntland oo idil,muujinta kalsoonida shacabka,iyo arrimo kale oo aad u faro badan.




Gaas waxa uu dhamaan dadkii kasoo qayb galay xaflada caleemo saarka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay codsiga loo diray usoo ajiibeen.




Galabta ayaa lagu wadaa xaflad ballaaran oo ka dhacaysa xarunta madaxtooyadda inay kasoo qayb gallaan dad lagu qiyaasay 2500.oo qof oo dalka iyo dibada ka kala yimi.




Ammaanka magalada Garowe ayaa si wayn loo adkeeyay,waxana wadooyinka muhiimka ah la dhigay ciidamo aad u faro badan.




Xafiiska Wararka Gobanimo news




Garoowe-Puntiland




47




21




26




23




34




42




36




44




41




29




1




2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32