Thursday, January 23, 2014

Dawlada Hoose ee Burco ayaa sheegtay inay la wareegtay dhulal banaan oo la cashuuran waayay


xoghayahaXoghayaha Dawlada Hoose ee degamada Burco Cismaan Maxamed Sh.Cismaan ayaa sheegay inay  qaar ka mid ah dadkii dulka banaan iska qabsaday ay kala wareeegeen sidoo kalena waxa uu digniin u diray kuwa kale ee aan cashuurta bixin.sidaasna waxa uu ku sheegay shhir jaraa,id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa.
ujeedada aan doonayo inaan ka hadlo waa cashuuraha sanadkii horena waan ka hadlay,Cashuuruhu waxay u kala baxaan,Casuur liisan,mid gaadiid iyo mid dhul,waxaanan dadwaynaha u sheegayaa in cashuuraha dhulka banaan ay bixiyaa,cidii bixin waydana dadka kale kama xigaan dhulka waxaa lagu yeeshaa waa cashuur,cidii bixin waydan waanu kala wareegaynaa,waanay jiraan qaar aanu la wareeganay kuwa kalena sidaas oo kale ayaanu ula wareegaynaa,kamana yeelayno nin dhul iska ootay ama iska seestay oo dabdeed iska maqan meel kasta a joogaan sidaas aanu kuwa hore  ula wareegnay ayanu inta danbena talaabo uga qaadaynaa,waayo dadka kale kama xigo hadii uu casuuran waayo.Xoghayuhu waxaa kale oo uu ka hadlay nadaafada magaalada waxaanu yidhi.
Laba arimood ayaan doonayaa inaan u sheegno dadwaynaha Arinta koowaad waa Gaadiidkii Hore ee nadaafada  waanu kordhinay ilaa sagaal Gaadhi iyo Afar cagaf ayaanu gaadhsiinay,Markaas hadii aan nadaafada dadwaynuhu gacan naga siiniin noo suurtoobi mayso inaanu adeega fulino,markay dadwaynuhu nala shaqeeyaan ayaanu anana shaqayn karnaa,sidaas awgeed waxaa loo baaanyahay in aad gaadiid ka qashinka iyo Goobaa loogu talo galay aad gayasaan.