Sunday, January 26, 2014

Juventus Oo Mushaar Kordhin Ku Abaalmarin Doonta Paul Pogba Si Ugu Sii Sugnaado Turin.


pogbaDadaalaa wuu gaaraa, sababtoo ah kooxda Juventus ayaa garwaaqsatay in xidigeeda khadka dhexe kaga cayaaro Paul Pogba uu haatan yahay mashiinka ay ku dhaqaaqdo sidaa darteed maamulka sare ee kooxdan ayaa isku raaceen in mushaarka loo kordhiyo si ay uga ceshtan kooxaha safka usoo galeen saxiixa Pogba, wargeska Corriere dello Sport ayaa bogiisa hore ku qoray in Juventus ay hada kadib sanad walbo Pogba siin doonto 4-milyan oo euro ah waxaa dheeri usoo noqon doonto xidigan lacago guno ahaan loo siin doono hadii uu Juve guulo gaarsiiyo, Pogba oo horey ugu cayaari jiray kooxda Man United ayaa ku faraxsan hormarka uu sameeyay tan iyo markii uu yimid dalka Talyaaniga wuxuuna xidigan dhalinta yar ku rajo weyn yahay inuu maalin noqdo cayaaryahanka aduunka ugu wanaagsan.




 




Sababta ku kaliftay kooxda Juve inay mushaarka Pogba sare u qaado ayaa lagu sheegay in naadiga PSG ay qal qaalo xoogan ugu jirto saxiixa xidigan waxayna Juve dareentay hadii aysan wax tilaabo ah qaadin marka uu xili cayaareedkan dhamaado in xidigan dahabiga ah laga qaadan doono arinkaas awgeed dhawaan kooxda Juve waxay kulan la qaadan doontaa Pogba iyo wakiilkiisa sidii qandaraas cusub looga saxiixi lahaa, Pogba haatan wuxuu kooxda Juve mushaar ahaan uga qaataa 1.8-milyan oo euro balse heshiiskan cusub ayaa u ogolaan doonon inuu 4-milyan sanad walbo qaato wuxuuna qalinka ku duugi doonaa heshiis ilaa sanada 2018 gaari doono.