Thursday, January 23, 2014

Weerar lagu dilay 5-kamid ah Booliska Masar


download (15)Qahira (GNA)Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegtay in weerar hubeysan lagu dilay ilaa shan kamid ah askarta Booliska.




Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Beni Suef oo 100-KM u jirta magaalada caasimadda ee Qaahira, waxaana lagu dhaawacay labo askar kale.




Labo nin oo la aaminsan yahay in ay wateen mootooyin ay rasaas ku fureen askarta oo joogay goob isbaaro ah, sida ay Sheegtay Wasaaraddu.




Weerarada lagu qaado Ciidamada ammaanka ayaa kordhay tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweynihii sida dimoqraadiyadda lagu soo doortay ee Morsi.




Illaa 250-askari ayaa lagu dilay weerarada oo ay bilowdeen bishii July ee sanadkii tegay.




Dhowaan waxaa la meel mariyey dastuur cusub oo bedeli doona kii hore oo la ansixiyey intuu xafiiska joogay Madaxweyne Morsi.




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/Somaliland