Thursday, January 23, 2014

Dood Ku Aadan Xidiga Khadka Dhexe Ugu Wanaagsan: Kadib Markii Vidal Uu Sheegay


CM-bestArturo Vidal ayaa ka dhawaajiyay in haatan uu yahay xidiga khadka dhexe ugu wanaagsan caalamka madaama uu kooxdiisa Juventus labo horyaal oo xariir ah kula guuleestay sidoo kalena xili cayaareedkan uu Juve u suura galiyay inay hogaanka Serie A-da 7-dhibcood ku hooseyso waxaa intaas sii dheer laacibka reer Chile waa kubad bur buriye sidoo kalena si joogto ah kooxdiisa goolal ugu dhaliyo arinkaas awgeed asigoo isku kalsoon wuxuu yiri “haatan aniga ayaa ah xidiga khadka dhexe ugu wanaagsan caalamka mana jiro laacib la igu qaban karo waayo labo shaqo ayaan isku qabtaa taasi oo ah inaan kubada raaco sidoo kalena aan dhaliyo!”




 




Hadaba dood xoogan ayaa ka dhalatay hadalka kasoo yeeray Vidal waxayna wargesyada ugu caansan qaarada Yurub oraahdiisa u falanqeeyeen siyaabo kala duwan hadaba intooda badan waxay isku raaceen in hadalka Vidal kasoo yeeray 70% uu sax yahay madaama uu xiligan wacdaro heer sare dhigaayo balse sidoo kale waxaa carabka lagu dhuftay inay jiraan ragg khadka dhexe ku wanaagsan kuwaas oo Vidal ka liidanin ama ka wanaagsan marka dhinacyo badan laga fiiriyo hadaba 4-xidig oo khadka dhexe ku wanaagsan ayaa lala bar bar dhigay Vidal waxayna kala yihiin:




 




ANDRES INIESTA (SPAIN/BARCELONA)




 




BASTIAN SCHWEINSTEIGER (GERMANY/BAYERN MUNICH)




 




YAYA TOURE (IVORY COAST/MAN CITY)




 




MIRALEM PJANIC (BOSNIA/ROMA)