Thursday, January 30, 2014

Sool: Cabsi bulshada kala soo deristay Ciidan aan la aqoonsan oo Shaki laga muujiyay


Laascaanood (GNA)- Dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka Xidhxidh iyo Gocondhaale oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa walaac xoog leh ka muujiyay dhaqdhaaqa maleeyishaad hubaysan iyo fadhiisimo hor leh oo laga yagleeelay halkaas, isla markaana lagu tababarayo ciidamo aan la aqoonsan haybtooda iyo ujeedada ka dambaysa.




Deegaamada Xidhxidh iyo Gocondhaale oo dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood qiyaas ahaan masaafo dhan todobaatan kiiloo mitir ayaa xaaladan ka soo cusboonaatay waxa ay dadka rayidka ah ee ku dhaqan ay ku abuurtay cabsi iyo tuhun la xidhiidha in goobahani ay hoy u noqon karaan firxadka kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama inta badan Koonfurta Soomaaliiya.




Qaar ka mid waxgaradka ku dhaqan deegaanadan oo la soo xidhiidhay wargeyska Dawan ayaa xaqiijiyay jiritaanka dhacdan oo ay sheegeen in ay abuuri karto xasilooni darro iyo xiisad hor leh oo ka curate deegaanadaas, waxaanay ka digeen fadhiisimo ciidan oo maleeshiyaadkaasi aan la aqoonsani ay ku yeeshaan Tuulooyinkan, waxaanay xukuumada Somaliland u soo jeediyeen in ay indhaha ku hayso halista ka soo fool yeelan karta isku dayga hawlgalada noocan ah ee ujeedadooda  madmadowga badani ku jiro.




Sidoo kale, waxgaradka Tuulada Xidhxidh iyo Gocondhaale ee la soo xidhiidhay wargeyska Dawan waxa ay sheegeen in muddooyinkii u dambeeyay deegaanadaasi lagu arkay gaadiid ay wateen kooxo hubaysay oo ka gudbaya jiidaasi, kuwaasii oo aanay garanaynin halka ay ka yimaadeen iyo halka ay hayaanka ugu jireen midna,  balse waxa ay tilmaameen in maleeshiyada geediga ahi ay dareen galisay shacabka ku dhaqan deegaanadaas, isla markaana ay tuhunsan yihiin in kooxdan socotada ahi ay ku jahaysnaayeen Buuralayda Galgala ee Puntland si ay u xoojiyaan ama ay uga mid noqdaan dagaalyahanada kooxda xagjirka ah ee ku sugan halkaas.




Sida laga warqabo, deegaanka Buuralayda ah ee Galgala oo ka tirsan ismaamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa fadhiisin u ah garab ka mid ah dagaalyanada kooxda Al-shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyay halkaasi isku urursanayay, isla markaana dagaalo fool ka fool ah la galay ciidamada Puntland.




Maalinimadi Sabtidii aynu soo dhaafnay ee todobaadkii hore ayaa Ciidammada maamul goboleedka Puntland iyo dagaal-yahannada Al-shabaab uu dagaal ku dhex maray deegaanka buuralayda Galgala. Wasiir ku-xigeenka amniga maamulkaas Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa ka hadlay dagaalkii Sabtidii dhacay waxaanu sheegay in ay ciidamadoodu weerarka ku qaadeen Tuulada Galgala, isla markaana ay Bar-tilmaameed sanayeen warshad yar oo uu sheegay in lagu farsameeyo walxaha qarxa ee ay adeegsadaan kooxaha xagjirka ahi.