Sunday, January 26, 2014

Laascaanood: Magaallo hoosta ka bugta!Faallo: Wariye Saleban Kalshaale


Sanadkii 2007-dii ayay ahayd markii ay Ciidamada Somaliland ku ruqaansadeen Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood ilaa Jiida Gambadha oo hada ah soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.




Tani waxay bilow u ahayd isbedel maamul iyo mid siyaasaddeed oo Gobolka ka dhacay, kaasoo meesha ka saaray ka talintii Maamulka Puntland ee Laascaanood, ka dib markii ay Ciidamada Puntland ka baxeen saldhigyadii ay halkan ku lahaayeen.




Magaalada ayaa xiligaasi isu bedeshay faran dagaal iyo Saldhig Milateri oo ay muddo kala riixanayeen labada Maamul, isla markaana dagaalo kala duwani ku dhex mareen agagaarkeeda iyo gudaha labadaba.




Dawladda Somaliland, ayaa dedaal balaadhan ugu jirtay ilaa xiligaasi, sidii uu Gobolka Sool, u soo gaadhi lahaa Gobolada kale ee horumarku ka jiro, laakiinse waxa muuqata inaanay wali fari ka qodnayn arrintaasi.




waxaana muuqata in dedaalka dawladdu ahaa mid siyaasad  ku salaysan oo aan lahayn qorshe fog iyo hanaan maamul daadejineed oo dhaqan-gal noqday.




“Laascaanood  waa la haystaa, ilaa la xoreeyana hagaagi mayso”sidaasi waxa ii sheegay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mida bulshada ku nool Magaalada Laascaanood, kaasoo si cad u tilmaamay inaanay wax qabad kasta oo Gobolka laga fuliyaa waddiqada ka duwan rabitaanka dhabta ah ee dadka Gobolka ku nool.




“hadii aanay ahayn meel la haysto maxaa afarta Koone Ciidanka looga dhigay ee dhexda loogu ooday dadka”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Mawqifka noocana oo ah mida ay ka simanyihiin Maatida iyo Mankasta reer laascaanood, ayaa kala maan ka dhigaya midka ku lidiga ah ee ay aaminsanyihiin dadka Maamulka lugta kula jira ee ka soo jeedda gobolka.“Laascaanood Somaliland waxay u qabatay iyo mashaariicda ay ka fulisay waligeed may helin, helina mayso hadii somaliland ka baxdo”sidaasina waxa yidhi Nin ka mida Indheer garadka dawladda ku xidhan.




Labadan aragtiyood ayaa ah kuwo aad u kala fog oo aan isla keenayn, isla markaana dhinacyada kala qabaa ay adagtahay inay meel dhexe isugu yimaadaan, iyadoo ay intaasi u dheertahay muran joogto ah iyo dood mar walba u dhexaysa.




Intii aan joogay Magaalada waxaan la sheekaystay dad badan  oo isugu jira dhalinyaro iyo wax-garad aan dawladda ku xidhnayn, kuwaasoo boqolkiiba sagaashan ka soo horjeedda siyaasadda guud ee Somaliland, isla markaana isu haysta dad dibada lagaga soo duulay oo dusha laga haysto.




Dadka reer laascaanood fikirka noocan ah waxay kala simanyihiin Isimadda iyo hogaan dhaqameedka Gobolka oo sanaddo badan ka maqnaa Somaliland iyo Puntland, kuna foogan wali sidii ay u yayabi lahaayeen Maamulka Khaatumo oo mar kale la doonayo in dadka jiidan ku dhaqan Taageero looga raadiyo.




hase ahaatee qaybo ka mida Bulshada ayaa u hanqal taagaya dhinaca Puntland oo xidhiidh Isir ka dhexeeyo, inkasta oo aanay Isimaddu taas wali ku soo jihan.




Sidaasoo ay tahay Xaalada Magaalada Laascaanood, waa mid degen, Nabad-gelyada ayaa ah mid boqolkiiba boqol laysku halayn karo, waxaana xarumaha dawladda iyo Saldhigyada Bilayska ee magaalada laga soo galo ka muuqda kala dambeyn iyo sawir ka turjumaya hanaan dawladnimo.




Ganacsiga Magaalada ayaa u badan Xoogsato iyo Xamaalato, waxaana Magaalada laga isticmaalaa lacagta Shilin Somaliga, Sarifka lacagaha qalaadna wuxuu la sixir yahay Suuqyada Garoowe iyo Boosaaso oo isha Ganacsigu aad ugu xidhantahay.




Adeegyada kale ee Bulshada, sida goobaha Caafimaadka, Biyaha iyo Saldhigyada Bilayska ayaa dhamaantood hoos u dhac weyni ka muuqdaa, waxaanay dadku cabaan biyo Xareed ah oo laga soo dhaamiyo Berkado ku yaala meelo ka baxsan Magaaalada.




Dhamaan waddooyinka dhex mara Magaalada ayaa ah kuwo raf ah oo aan laami ahayn, marka laga yimaado Jidka qadiimiga ah ee Magaalada dhex mara oo isaga wakhti hore la dhisay.




“Dawladda Sii;aanyo waxaad moodaa inay dhinaca horumarinta waddooyinka ku wanaagsantahay, hadana annaga laami qudha noomay dhisin, waxaanan u malaynayaa inay uun noo soo socoto”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida Mulkileyaasha Gaadiidka lagu dhex wato laascaanood .




Inkasta oo ay Xafiisyada dawlada shaqo ka socoto, hadana waxaad moodaa in wax waliba bilow yihiin, mana jiro isku xidhnaanshiyo muuqda oo ka dhexeeya dawladda iyo shacbiga, sababtooy tahay qadiyadda siyaasadda fog ee bulshada ku qufulan, ayaan layskula keenayn.




Dayac badan ayaa ka muuqday Xafiisyada dawladda intii aan arkay, oo ay ka mid yihiin Xarunta Dawladda hoose, Maxkamaddaha, Saldhigyada Bilayska qaarkood iyo xafiiska laanta Socdaalka, hase ahaatee dhismeyaasha ay ku jiraan Wasaaradda maaliyadda iyo Bangiga dhexe ayaa muuqaalkoodu jidiid yahay.




Sidaasooy wax yihiin, Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adaha Mucaawimooyinka bixiya ayaa sanad kasta Horumarinta Gobolkan u qoondeeya lacag xadigeedu badan yahay oo ay ka mid tahay lacagta sanadaha badan cashuurta dawladda lagu daray ee horumarinta Gobollada Bari (2%), taasoo muddo shan sanadood gaadhaysa dadweynaha cashuurta bixiya laga qaadayay.




Waxa kale oo jiray lacago loogu magac daray horumarinta Goboladda Bari oo nusmilyan Dollar kaga soo hagaagtay Gobolka sanad miisaaniyaddeedkii xukuumadda ee sanadkii hore.taasoo xataa hadii ay Laascaanood soo gaadhay raadkeedu aanu ka muuqan dhinaca Bulshada iyo xarumaha dawladda toona.




Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo aanay Magaalada Laascaanood iyo hayaanka dawladnimo ee somaliland u muuqan kuwo xligan wada jaanqaadi kara, jirona kala fogaanshiyo ilaa heer gaadhsiisan, hadana waxa daruuri ah inay xukuumadda Somaliland wax ka bedesho siyaasadda maamul ee Gobolkan ku aadan.




Hadiise taas isbedel lagu samayn waayo, waxa iska cad  in wakhti aan dheerayn uu iman doono iska hor-imaad bulshada iyo dawladda u dhexeeya oo sababa cawaaqib fool xun iyo fidno xalkeeda lagu rafto oo saamayn ku yeesha wax kasta oo iminka u bilaaban labada dhinac.




Wariye: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com / curad1986@hotmail.com




Tel: 0634229772