Sunday, January 26, 2014

Hargeysa: Taageerayaal kale oo ka dareeray Xisbiga Kulmiye


Hargeysa(GNA)- Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa munaasibad balaadhan u sameeyay oo  ku soo dhawaynayay taageerayaal iyo masuuliyiin ku soo biiray oo ka soo digarogtay Xisbiga xaakinka Kulmiye iyo Ururadii dhacay ee Dalsan Iyo Ummada, munaasibaadaasi soo dhaweynta ayaa waxa ka qaybgalay Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal cali waraabe, Musharax Jagada Madaxtinimada ee Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xusseen, Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne, Maxamed Xaashi Cilmi, Maxmaed Isxal, Cabdiraxman Cabdiqaadir, Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdiqays), Abwaan Jaamac Riyo, Xildhibaan Rayte, iyo masuuliyiin faro badan oo ka tirsanan jiray ururadii dhacay ee Dalsan Iyo Ummada iyo Xisbiga Kulmiye.




 




Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo munaasibadaasi ka hadalay ayaa soo dhaweeyay xubnaha ku soo biiray , waxaanu tilmaamay in dalku u baahn yahay tallo qaran, isago arrimahas ka hadlayana wax uu yidhi




“Somaliland manta waxay u baahan tahay tallo taladaasina waxaan rajeynayaa inay ka soo baxdo shirkaas wadatashiga qaran ee bishan 10 keeda la bilaabayo, madaxwaynbaha waxaan lee yahay hadii aad I soo jeedo sidani inaga socon mayso gobanimo kuhelimayno iyo ictiraaf toona horumar ku gaadhi mayno waa in isbadel dowlada ka yimaadaa”.  Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe,




“waxa la doonayaa In 5 sanno dhulka, macdanta iyo shidaalka kujira la iibsado oo dilaanliintaa la sheegay ay qaatan, hadhowna inagoo Soomaliya wax layeelanay ay yimaadaan shirkadii waawaynaa iangoo gacnaha wax inoogu jirin, matrkaa waxaan lee yahay dilaanliintaa lacagtiina ha iska khasaarinina heshiisyadaa wax ka jiraa majirto Somaliland ma ogola heshiisyadaas”.




Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen




 




“Qodobkaa 9aad waa qodob hagardaamo ku ah Somaliland, waxa laynaga mid dhigay mayjirin Somaliland, qoladeenii meesha inoo joogtay waxay ku doodi kari Somaliland ama Hargeysa waa meesha qudha ee inta ay diyaaradi kacday garoonkiidee ay rushaysay meel kale oo ay soomaliya ka dhacday majirto waar ma intaas ayay kari waayeen inay yidhaahdaan. Anigu waxaan garan la’ahay waxaas inay ka ahaa cilmi darro, aqoondarro iyo inuu badheedh ka ahaa




Xildhibaan Ibraahim Jaamac (Rayte) oo ka hadalay ayaa sheegay in mudadii  Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada xukunka Somaliland oo samaysmayn tugaar badan oo faraqabsatay hantida qaranka, waxaanu yidhi,




“waxa layidhi rag waxmatare ma leh marka dhanka kale laga eego inagu waxaan qabaa waxtar wayn ayuu adeerkay soo kordhiyay saddexdaa sano ee uu meesha joogay waxaan kawarhayaa faro ku tiris ayay ahaayeen cid Somaliland kamida oo la odhan karo milyan dolar ama laba ama saddex ayuu haystaa, dhowr iyotoban milyaneeriina inay inoo soo kordheen ayaan hubaa mudo sadex sano iyo badha ah dhowr iyo toban tijaar oo soo kordhay dee waa wax wayn, aduunyada nin milyanneer inuu noqdo mudo dheer ayay ku qaadataa markaa waxaan lee yahay intaas milyanneer inagu filan waxa la odhanayaa Hargeysa manta waxa lku nool 20 milyanneer waxaan lee yahay milyanneer waxay heystaan waa wixii islaamaha baradhada iibiya, adhiga qalaya, shaqaalaha cagaha cad askriga 100$ lasiiyo canshuurta laga garo wixii laga uruuriyay weeyaan”.




Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inay xaaraan tahay in Somalia ay somaliland la fadhiisto oo ay la hadasho,“Marka la leeyahay walaalahayo miyaanay wallnimo ahayn taasi, nimankii dhibaatada geystay ee qalabkii gurtay, waxaan qabaa in ay xaaraan tahay in lala fadhiisto oo lala hadlo, Xisbiyada mucaaridka ahna waxaan leeyahay waa inay go;aan ka soo saaraan arrintaas oo ay shirkaas qaadacaan, dadweynahana waxaan leeyahay waa inay cadaadis ku saaraan Golaha wakiillada inay shirkaas gebi ahaanba joojiyaan”. Ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi.




Siyaasi Cabdiraxman C/qaadir oo ka mid ahaa Aasasayaashii Xisbiga Kulmiye ayaa Maanta Madaxweyne Siilaanyo u jeediyey hadalo dardaaran ah isaga oo sheegay in haddii musuqmaasuqa iyo Qabyaalada uu joojiyo,ay ku keenayso cawaaqib xumo baahsan, waxaanu tilmaamay wax kali ah ee adduunyada dadka ka raaacaya ay tahay Kafata  sidaasi darted uu iska jirro Musuqa iyo dhaxltooyada uu ku kacayo. Hargaysa .waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “in badan ayaan rabnay Somaliland oo wanaagsanaata in badan ayaan  Siilaanyo usoo dagalanay,  in badan ayaan doonaynay madax wanagsan inaynu helno oo dowlad wanaagsani inoo timaad sheekadayada Cali Guray ayaa dhameeyay oo yidhi. Sadexdayadii nin ee Gaadhigu la dhacay Marxuun Cali Maarshaal ayaa Ugu Nasiib badnaa oo Siilaanyo oo Talinaya aan arag. Allahayow ma waxaad garatay tii aan u soo dagaalamay inay noqoto dowladii ugu musuqq badanayd, qabyaalada badnayd ugu eexashada badan Illaahayow mataasaas iigaratay!”.




Magacyada masuuliiyiinta ku biray xisbiga UCID




1.     Dr; Xuseen ismaaciil (Xuseen Dhiqle) Gudoomiye kuxigeenkii ururka umada




2.     C/naasir  Badal xoghayihii guud ururka umada




3.     Aadan  Cali Yoonis xoghayihii maaliyada ururka umada C




4.     C/qani  Ibraahim Salaf gudoomiyihii gobolka ururka umada




5.     Jaamac Barre Cilmi xubin hogaanka ururka Dalsan




6.     C/raxmaan X. Nuur asaasayaashii xisbiga Kulmiye




7.     Maxamed Cismaan Muxumed xisbiga Kulmiye




8.      Xil. Jaamac Riyo oo katirsan golaha guurtida