Monday, January 27, 2014

Xasan sheekh oo shegay in aanu ka mid ahayn kooxda lagu xanto ee damu jadiid


Madaxweyne Xasan SheekhMuqdisho (GNA) Iyadoo si aad ah loogu xanto in madax weynaha Somalia Xasan sheekh Max’uud uu kamid yahay Ururka Dam-jadiid islamarkaana uu isagu hogaamiye u yahay ayaa Madax weynaha oo hadlay waxa uu gashaanka u daruuray arrinkaasi yahay mid aan waxba ka jirin.




Wareysi uu siiyay laanta Af-Somaliga ee VOA ayuu madax weynuhu ku sheegay’’cimriga aan jiro weligay kama kamid noqon Urur,Koox,iyo dhinacyo lamid ah hadana kama kamid ahi wax Dam-jadiid la yidhaahdo kamana mid noqon doono’’




Waxana uu intaaas sii raaciyay in Somalidu ay iska jeceshahay in ay xag xagtaan dadka aan ceebaha laheyn taas oo uu ku sifeeyay in ay tahay dhaqan xun oo ay caadeysteen lakin loo baahan yahay in ay iska dhafaan wararka nocaasi ahi.




waxa inta badan laguu dhalilaa xasan sheekh in uu hoosta ku haysto koox xagjir ah oo loo yaqaan damu jadiid




 




Gobanimonews-Desk




Muqdisho/somalia