Friday, January 24, 2014

Dhoqoshay: Shir-beeleed baaq laga soo saaray


Dhoqoshay(GNA)-Shirweyne balaadhan oo ay isugu yimaadeen Gaashaanbuurta Beelaha Daahir Galbeed, Allamagan iyo Xuseen Cabdille ayaa 15-01-2014 ka furmay Degmada Doqoshay ayaa la soo gabagabeeyay.




 




waxaaana shirkaasi uu ahaa mid aayo ka tashi ah islamarkaana si buuxda loogu taageeray qadiyada iyo jirataanka Jamhuuriyada Somaliland.

Shir balaadhan oo maalintii shalay ahayd lasoo gaba gabeeyey ayaa waxaa lagu macsuumay wufuud fara badan oo ay ka mid yihiin Maamulka Gobolka Togdheer Kan Degmada Burco Taliska qeybta Booliska Gobolka Togdheer, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Burco Salaadiin iyo Cuqaal Madaxdhaqameed,Aqoonyahan kasoo jeeda Deegaanada ka duwan ee Somaliland, Waxaana halkaasi hadalo kasoo jeediyey Gudigii Qaban qaabada Shirweynaha Tallo Iyo Tawakal, waxaana halkaasi laga soo jeediyey Sagaal qodob oo kasoo baxay Shirkaas kuna midaysanyihiin Gaanshaanbuurta Daahir-galbeed Alla Magan iyo Xuseen Cabdille Waxaana uu u dhingaa Sidatan.
Baaqa Qodobadii kasoo baxay Shiweynaha Tallo iyo Tawal.

1. Beeshu waxay si buuxda u taageyraysaa jiritaanka Somaliland iyo gooni isu taageeda.

2. Beeshu waxay taageersantahay soona dhaweynaysaa Mashaariicda horumarineed ee ay xukuumada Somaliland dalka ka fulinayso iyo kuwa ay ka fulin doontaba.

3. Waxay beeshu go,aansatay inay isku xukunto xeerarka islaamka iyo xeer dhaqameedka aan ka hor imanayn Shareecada Islaamka .
4. Waxay Beeshu go,aansatay inay nabad gelyo kuwada noolaato iyada gudaheeda Nabad gelyana ay kula noolaato derisyada dhinacyada ka xiga.

5.Waxay beeshu go,aansatay oo ay isla qaadatay markay dhinacyo badan ka eegtay si walbana uga wada hadleen, inay baahi u qabaan inay doortaan hogaan dhaqameed mideeya beelahaa hogaan dhaqameedkaasoo noqon doona mid laysla ogolyahay oo lagu wada qanacsanyahay, oo bulshadu si cadaaladi ku salaysan tahay usoo dhistaan 

6. Waxay beeshu dooratay oo shirkan kasoo baxay gudi hagi doona hadii ilaahay yidhaahdo hawlaha reerka kuwaasoo ka shaqayn doona danaha ay dadkani leeyihiin ee ay doonayaan inay wax ku wada qabsadaan haday horumar noqoto iyo hadii kaleba, Gudigaasi waxay xilka hayn doontaa mudo laba sanadood (2 years) waxay gudigaasi reerka ku dhaqi doontaa xeerar reerku yeesho oo ay iyadu gacanta ku hayso.

7. Waxay beeshu gacmo furan kusoo dhaweynaysaa si buuxda u taageeraysaa cidkasta oo kheyraad ka baadhaysa sifo sharciyana ku timaada Deegaanada ay beeshu degantahay.

8. Waxaanu Xukuumadayada Sharafta leh ka codsanaynaa inay xil iska saarto Deegaanada ay beeshu degto oo ay ka muuqato dub u dhac balaadhan oo baaxad leh oo dhinac walba ah 

9. Wuxuu Shirweynahan Tallo iyo Tawakal baaq u dirayaa Qurbajoogta kasoo jeeda Degaamadan ee ku nool dunida dacaladeeda baaqaasoo ku wajahan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarinta, Dhismaha Kor u qaadida Bilicda Degmooyinkooda.



Waxaana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin, ay ka mid ahaayeen Maamulka Degmada Burco Xildhibaano, Taliska Booliska Togdheer, Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo dhamaantoodba Gaashaanbuurta uga mahad celiyey siday ugu soo sharfeen Shirkadan qiimihiisu aadka u sareeyo iyo qodobada miisaanka leh kasoo baxay, waxaana ay halkaasi kasoo jeediyeen Duco iyo Amaan balaadhan oo ay usoo jeediyeen Beelaha Daahir-galbeed, Alla Magan iyo Xuseen Cabdille kuna amaaneen sida sharafta iyo qaayaha leh ee ay usoo saareem 9-qodob ee bilaa turxaanta, waxaana ay ka dhawaajiyeen inay ka dawlad ahaan is barbar taagi doonaan Beelahaasi ku sifoobay Wanaaga iyo ka talinta aayahooda Mustaqbal.