Thursday, January 23, 2014

Wasaaradda Caafimaadka Oo Magacowday Madaxa Maaraynta Qashinka iyo Xakamaynta Khatarta Deegaanka Ee Qaranka


download (16)Hargeysa (GNA):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa magacowday masuul madax ka noqda maaraynta qashinka iyo xakamaynta waxyaabaha khatarta ku ah degaanka.




 




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame, ayaa wareegto uu soo saaray maanta ku magacaabay Mr. Maxamed Faarax Axmed oo hore u ahaan jiray madaxa caafimaadka guud ee Gobolka Maroodi-jeex inuu hadda noqdo madaxa Waaxda Maaraynta Qashinka iyo Xakamaynta waxyaabaha khatarta ku ah deegaanka.




 




Agaasimaha guud waxa uu magacaabista masuulkan cusub kula socodsiiyey dhammaan waaxyaha wasaaradda iyo hay’adaha kala duwan ee xidhiidhku ka dhexeeyo inay ula shaqeeyaan si buuxda.




Qaybta Waaxda Maaraynta Qashinka iyo Xakamaynta waxyaabaha khatarta ku ah degaanka oo ka mid ah nidaamka dhisamaha Wasaaradda Caafimaadka, laakiin aan hore u lahayn masuul madax ka ah ayaa hoostagta waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland




 




Gobanimo-Desk




Hargeysa/Somaliland