Thursday, January 30, 2014

Burco: Wariye lagu dhaawacay Xafiiska Gobolka hortiisa


Burco(GNA)wariye Axmed Muuse Maxamed (Sakaaro) ayaa Saaka isagoo ku jira hawl maalmeedkiisa shaqo isla markaana ku sugan kadinka hore ee xafiiska Badhasaabka Gobolka Togdheer,waxaa weerar kusoo qaaday nin shicib ah isla markaana ah dadka dawlada siilaanyo sida cunsiruyada ah u taageera/




Wariyahan ayaa laba cisho ka hor ay handidaad u geysteen askar  milateri ah oo isku dayay inay xabsiga dhigaan.




Wariye Sakaaro ayaa  dhaawac  ka soo gaadhsiiyay daanka kadib markii uu maagitaan iyo dagaal gacan ka hadal ah isu xigsiiyay ninka shacbiga ah ee weerar.




Ninkaasi ayaan la qaban markii dhaawaca wariyaha gaadhsiiyay iyadoo ay ilaalada badhasaabku halkaas ku sugnayd in kasta oo aanu Badhasaabka cusbi  xafiiskiisa ku sugnayn.




lama garanayo sababta uu Ninkani weerarka ugu soo qaaday iyadoo uu wariyuhu ku suganyahay xarun dawladeed.




Waa markii labaad ee lasoo weeraro wariyaha todobaadkan waxaana isla maalintii doraad faras magaalaha Burco ku soo weeraray koox saraakiil milatari ah oo dhawaan dhul danta Guud ah dhisanaysay.




iyadoo uu badhasaabku xigeenkuna suuqa dexdiisa ugu hanjabay nuu xidhayo.




Wariyaha iyo warbaahinta Gobolka ayaa maalmaan danbe qorayay dhul boob baahsan oo danta guud ah oo beryihii ugu danbeeyay ka socday Gobolka togdheer tan iyo intii uu madaxwayne siilaanyo Xilka qabtay, taas oo waxba waxba kama jiraan ka dhigatay Digreetadii uu Madaxwayne siilaanyo ku mamnuucay dhulka danta Guud inaan la dhisan karin lana dhalan gadiyi karin.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com