Monday, January 27, 2014

Dawladda maraykanka oo sheegtay inay dishay sargaal sare oo ka tirsan al-shabaab


sargaal




27.01.2014 Shabeelada hoose (GNA) -Dadka deegaanka gobalka shabeeladda hoose ayaa sheegay in sargaal sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay weerar ay geesteen diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee maraykanka.
Maraykanka ayaa horey sheegay in uu gaystay weerarkaas, in kasta oo aanay xaqiijin dhimashada mas'uulkaas.
Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay in weerarka lagu bartilmaameedsaday mas'uul sare oo aad isugu dhaw yihin madaxa Ururkaas oo lagu magacaabo Sahal Iskudhuuq.
Waxaa kale oo ay sheegayaan in Iskudhuuq uu xiriir dhow la leeyahay ururka Al-Qaacida.




Maraykanka ma xaqiijin inay dileen ninka la bartilmaameedsanayay iyo in kale.
Balse ilo sirdoon oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la dilay Iskudhuuq iyo darawalkiisa.




Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay inay arkeen diyaarado duqaynaya baabuur.




Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkaas la sheegay in lagu qaaday mas'uulka sare ee ka tirsan ururkaas.




 




 




Warkan oonu kasoo xiganaey BCC:da




 




 




GobanimoNews Agency