Sunday, January 26, 2014

Tata Martino Oo Aan Hubin Mustaqbalkisa Barca, Seedorf Oo Dulqad Ku Baqay & Barca Oo 5-Xidig Weyn Doonta.


Seedorf-Coach1Tababaraha kooxda Barcelona Gerardo Tata Martino ayaa ka dhawaajiyay inuusan damanaad qaadin inuu baaqi kusii ahaan doono kooxda Barcelona marba hadii uu meesha ka baxay gudoomiye Sandro Rossel oo sabab u ahaa inuu macalinkan Camp Nou ka shaqo galo madaama Rossel ay fadeexad xoogan kusoo baxday sidoo kalena uu xilka iska casilay Tata Martino ayaa ka hadlay xasilooni darada ka taagan gobolka Catalunya wuxuuna yiri “qof walbo wuxuu doonayaa mashruuca uu bilaabay inuu dhameestiro  balse kubada cagta xaalkeeda kuuma suura galinaayo mashruuc walbo inuu ku dhamaado sida aad rabtid sidaa darteed ma hubo inaan Barcelona baaqi kusii ahaan doono marba hadii ay dhacen isbadalo lama filaan ah!”




 




Sidoo kale macalin Tata Martino ayaa ka hadlay qaabkii uu Sandro Rossel isku casilay wuxuuna yiri “waa inan tixgalinaa go’aankii uu Rossel qaatay balse waxaan jeclaan lahaa inuu nala sii joogo madaama uu isaga sabab u ahaa inaan Barcelona ka shaqo bilaabo waana ka xumahay go’aankii dag dag ahaa ee uu qaatay” Macalin Tata Martino oo Barcelona xili cayaareedkan ka dhigay naadi awood badan ayaa ka dhawaajiyay inuu la shaqeyn doono gudoonka haatan Barcelona hawsheeda wadaan wuxuuna xidigaha kooxdiisa ku booriyay inaysan saameyn ku yeelanin arinka haatan garoonka Camp Nou ka taagay balse macalinkan ayaa sheegay in isaga shaqsi ahaantiisa uusan hubin inuu hogaanka Barcelona sii heyn doono mustaqbalka dheer madaama shaqsigii isaga meesha keenay xilka uu iska dhiibay.




 




 Macalin Seedorf “Dhamaan dadka daneynaayo hormarka Milan waa inay dul qaataan”




Seedorf Coach




 




Macalinka reer Holland Clarence Seedorf oo dhawaan la wareegay hogaanka Milan ayaa xasuusiyay taageerayaasha, maamulka iyo cayaartooyda kooxdan inay dul qaad sameeyaan sidoo kalena ay aad u adag tahay in wax walbo sidii hore dib loogu soo celin lahaa, Seedord labadiisii kulan ee ugu horeey mid wuu guuleestay midna guuldaro ayuu la kulmay ka hor kulanka Milan ay la cayaari doonto naadiga Cagliari ayuu saxaafada la hadlay wuxuuna yiri “AC Milan waxay sameeneysaaa isbadal tartiib ku socdo sidaa darteed dhamaan dadka daneynaayo hormarka Milan waa inay dul qaataan waayo arinka sida loo maleynaayo uma sahlano balse waxaan hubaa inaan waxbadan kooxda ka badali doono inta xili cayaareedkan ka harsan”




 




Macalin Clarence Seedorf ayaa aad uga walaacsan dhibaatada qotoda dheer ee Milan heesato sidoo kalena wuxuu ka dhawaajiyay in xidigo badan oo kooxdan ku tashato uusan caafimaadkood wanaagsaneyn wuxuuna yiri “maalmihii ugu dambeesay ugu yaraan 10-cayaaryahan ayaa tababarka soo xaadiri weesay waxayna la ildarnaayeen duray sidaa darteed kulanka Cagliari waxay ka qayb qaadan doonaan ayagoon tababar buuxdo qabin balse intooda badan caafimaadkooda halis ma galin doono waxaana ku fikiraa inaan kursiga kaydka fariisiyo” ugu dambeyntii macalin Seedorf ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu Michael Essien ku doortay kooxda AC Milan wuxuuna ka dhawaajiyay in xidiga reer Ghana uu Milan wax weyn kusoo kordhin doono inta ka harsan madaama uu yahay laacib waaya araga ah.




Barcelona oo shaaca ka qaaday in 5-cayaaryahan oo muhiim ah ay kulanka Malaga seegi doonaan




Barca




Kooxda Barcelona oo ku rajo weyn inay guuleesato kulanka xasaasiga ah oo ay la cayaari doonto naadiga Malaga kana tirsan La Ligaha ayaa sheegtay in ugu yaraan 5-ka mid ah xidigaheeda ugu muhiimsan aysan kulankan adag ka qayb qaadan doonin siyaabo kala duwan awgeed, macalin Tata Martino ayaa si rasmi ah saxaafada ugu sheegay in xidigaha kala ah Carles Puyol, Neymar, Andres Iniesta, Alex Song iyo Martin Montoya aysan kulanka Malaga ka qayb qaadan doonin madaama ay dhaawacyo kala duwan qabaan, Neymar isaga tababar fudud ayuu bilaabay madaama uu kasoo kabanaayo dhaawac dhanka qoobka ka gaaray todobaad ka hor sidoo kale Iniesta isagana dhanka jilibka ayuu xanuun ka sheeganaa inkastoo lagu rajo weyn yahay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu soo laabto kooxdiisa.




 




Alex Song isagana liiska dhaawaca ayuu ku biiray madaama uu qoobka jug ka qabo sidoo kale Martin Montoya oo garabka midig ee daafaca ka cayaaro isna xaalkiisa ma wanaagsano. Dhanka kale Ibrahim Afellay ayaa mudo dheer kadib lagu arkay tababarka Barcelona kadib markii uu kasoo kabtay dhaawacii uu qabay waxaana lagu daray liiska xidigaha Barcelona kala hortagi doonto naadiga Malaga. Guud ahaan xidigahan hoos ku qoran ayuu macalin Tata Martino u xushay kulanka Malaga waxayna kala yihiin:




 




Valdes, Pique, Fabregas, Xavi, Pedro, Alexis, Messi, Pinto, Mascherano, Bartra, Busquets, Jordi Alba, Afellay, Tello, Adriano, Dani Alves, Cuenca, Sergi Roberto.