Thursday, January 23, 2014

Somalia: Muqaalka Golaha wasiirada cusub iyo Go’aano laga soo saaray Shirkii Maanta


 



Wasiirs



Muqdisho, January 23,2014—(GNA)-Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somalia, ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay, todobaad ka dib markii la magacaabay.




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa Shir guddoomiyay kulanka Golaha shalay la dhaariyay.




Reysal-wasaare Sheikh oo markuu kulanku idlaaday  warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Wasiiradda cusubi xilalkooda dhakhso ula wareegi doonaan.




 



Wasiirs1



 “Waxaa Alle mahadii ah inaan maanta yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii shalay la dhaariyay, waxaana ka wadahadalnay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay sidii ay Wasiiradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada Wasaaradahooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.




Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sidoo kale xusay in golaha Wasiiradu ay isla soo qaadeen xaaladda amniga ee dalka, ayna gaareen go’aano lagu horumarinayo sugida amniga iyada oo laga ambaqaadayo baahida deg deg ah ee jirta. wasirro




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com