Saturday, January 25, 2014

Wasiir hore oo Muslim ah Ayaa lagu dilay Jamhuuriyadda Afrikada dhexe


Central African RepublicWasiir hore uga tirsanaan jiray Xukuumadda Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ayaa si xun loogu dilay magaalada caasimadda, iyadoo ay sii socdaan rabshadaha ka taagan wadanka.




Sida ay ku waramayaan dad goobjoogayaal, ninkaan ayaa waxaa dilay kooxo kirishtan oo careysan kuna hubeysna faasas iyo tooreeyo.




Xilliga la dilayay waxaa uu kasoo degay gaari taxi ah, waxaana isla markii kusoo xoomay kooxaha dilay oo loo maleynaayo in ay ka tirsan yihin Ururka anti-balaka. Joseph Kalite ayaa ahaa Wasiir arrimaha guriyeynta ee Xukuumaddi dhacday.




Ilaa 9-qof kale ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay wadanka, waxaana Dowladda cusub ay ku jahwareersan tahay sidii wax uga qaban lahayd rabshadahan.




Dhowaan ayaa quburo caalami ah ay ka digeen in rabshadahan ay isku bedelaan xasuuq maadama uu lasii galaayo arrimo diimeed




GOBANIMO NEWS