Sunday, January 26, 2014

Garoowe 2014: Siyaasad iyo Bulsho kala durugsan!Warbixin. qaybtii1-aad


Muuqaal Ganacsi iyo Dib u dhis balaadhan oo gacanta bulshada ku jira  ayaa dugsanaya siyaasad dheel-dheeli iyo dhaqaaq joogsi la ciir-ciiraysa oo aan lahayn awood iyo waayo aragnimo qoto dheer oo damaanad buuxda siinaysa shacbiga Gobolka ku dhaqan.




Laakiinse isbedelka Maamul ee sanadkan ka dhacay Puntland oo loolankii musharixiinta miisaanka ugu wweyni ka dhacay magaalo madaxdan, isla markaana codeynta doorashada lagu soo gunaanaday, ayaa bulshada u sawiraya adkaanshiyo maamul iyo bisayl siyaasaddeed oo Mustaqbal fiican higsanaya, kaasoo hadii intaasi looga sii dhawaado dhaxal wanaagsan reebaya.




Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay baxaadeedu korodhay, waxaanay xarun u tahay Xarumaha dawladda, taasoo ay ku kasbatay dhamaan kaabeyaasha ku xidhan  dawladda ee gaarka loo leeyahay.




Maamulkii xukuumadda Faroole ayaa magaalada dhismaheeda  casriga ah aad uga shaqeeyay, waxaanay dadka deegaanku sheegeen in horumarkan laga soo unkay marxalad aad u hoosaysa, muddo kooban ka dib markii uu Madaxweyne Faroole talada qabtay.




“Maalintii uu Faroole Xilka la wareegay halkaa anigoo fadhiya oo caanaha iibinaya ayaa Mobile-ka qoorta iigu jira laygala baxayay oo inta xoog laygaga dhufto halkaa lala cararayay, maantana hadaan ilaa Gurigaygii Bac lacaga jiidayo sidaa wax ii eegaya ma leh”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegtay Haweenay Badhtamaha Suuqa Caanaha Xoolaha ku iibisa.




Hooyo Xiis, ayaa sheegtay in ka sekow Amaanka magaalada, wax weyn laga qabtay adeegyada daruuriga ah ee Bulshada iyo waxyaabaha nolosha dadku ku xidhantahay, sida sicir bararka baddeecadaha iyo lacagta.




“Maalintaa Kiishka Sonkorta ahi wuxuu ahaa $70 maantana waa $30, Boqolka Dollar wuxuu sarifkiisu ahaa Saddex Milyan, iminkana laba Milyan ma dhaafi karo, waxa meesha laga saaray oo amni laga dhigay dhamaan xeebaha oo dhan oo laga saaray Budhcad badeedii.




“reerka dhan maanta laba boqol oo shilin ayaa ku filan, markii horena wax deeqayay ma jirin”ayay tidhi.




Cabdiraxmaan waa wiil 13 jira, waxaanu wax ka dhigtaa mid ka mida Dugsiyada sare-sare ee ku yaala magaalada Garoowe.




Wiilkan ayaa sheegay in waxbarashadu ka mid tahay waxyaabaha dadku jeebadooda kula baxaan, laakiinse aanay dawladdu wax badan ka qaban. “Waxbarashada annagaa lacagta la baxna”ayay yidhaahdeen dadku.




Mar kale wuxuu sheegay Cabdiraxmaan oo degenaanshiyaha Garoowe ka sheekaynayaa “saddex sanadood markii Faroole uu talada hayay ayaa Garoowe dhisantay oo ay Magaaladu nabad gelyo noqotay, laakiinse markii hore waxa dhici jirtay in maalin walba suuqa laysku dili jiray”




Cabdirisaaq waa sarkaal u shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Haweenka Puntland oo dhalinyaro ah, waxaanu ka waramay heerka shaqo la’aanta dhalinyarada Reer Puntland, khaasatan Garoowe.




 “Shaqo la’aantu sidaa uma sii badna deegaamada Puntland sida Garoowe oo kale, marka la bar bar dhigo Gobollada Somaliland oo kale”




Dadweynaha magaalada ku dhaqan ayaa sheegay inay ka qayb-qaataan ilaalinta nabad-gelyada iyo ka hortaga dhibaatooyinka lagu wiiqayo xasiloonida, taasoo xataa Haweenka suuqa ku ganacsadaa sheegeen inay doorkoodda ku leeyihiin.




“amaanka annaga ayaa ilaalintiisa ka qayb qaadana oo qofka aanu aragno isagoo meel wax ku aasaya Bilayska u sheegna, waxaanan diyaar u nahay inaanu mar walba la shaqayno dawladda oo aanu ka qayb qaadano dhismaha iyo horumarka”ayay sheegtay Haweenay kale oo Caasha magaceeda la yidhaahdo.




Helida nidaam Garsoor iyo maxkamaddo u shaqeeya hab dadku ku qanacsanyahay, waxay astaan u tahay hanaanka dawladnimada iyo maamul wanaaga, dadka reer Garoowe qaarkood ayaa ka mahad sheegay xarumaha Cadaaladda ka shaqeeya, kuwaasoo dhaliil ka saliim ku tilmaameen.




Fadxiya Xirsi waa Haweenay sharciga ka baratay Jaamacadda Nugaal University waxaanay madax ka tahay Urur u doodda dadka aan awoodin inay Maxkamaddaha iska difaacaan “wax Dhaliila kama sheegi karo heerka cadaaladda dalku hada marayso, maamulka cusubna waxaanu ka filaynaa inay sii horumariyaan”ayay ku sheegtay waraysi Gobanimo kula yeelatay xafiiskeeda Garoowe.




Ciidanka Amaanka




Ciidamada amaanka ayaa hadh iyo habeen gaaf wareegaya Magaalada dhexdeeda, waxaana indhahaagu qabanayaan mar kasta Gawaadhi Ciidan saaranyahay oo xawaare dheer ku dhex soconaya magaalada.




Xiliyadda Habeenka ee fiidadowga ayaa inta badan ciidanku sameeyaan  baadhis hawl gaadiidka magaalada lagu baadhayo ah, kaasoo laga fuliyo goobaha socodka baabuurtu ku badantahay.




Talaabooyinka noocan ahi maaha kuwo ku cusub bulshada ku dhaqan deegaamada Puntland , hase ahaatee waa arrin dadka magaalada ku cusub dareen ahaan soo jiidan karta, isla markaana dhismaha Kalsoonida dadka caynkaasa dhisi karta.




Goobaha lagu kulmo ee ay dadku shaaha iyo sharaabka ka cabaan ayaa gelinka hore iyo ka dambeba mashquula, isla markaana dadku ay ku badan yihiin, waxaase la dareemayaa inaanay dadka meelahaasi fadh-fadhiyaa ahayn kuwo shaqo la’aani hayso, ayse kuwo ku nastaan.




Ganacsiga




Dhaqdhaqaaqa Ganacsigu waa midka ugu diiran, waxaana ka furan dukaamo waaweyn oo lagu iibiyo baddeecadaha kala duwan ee daruuriga ah, qalabka dhismeha, agabka Xafiisyada iyo xarumo badan oo adeegyada bulshada  ka shaqeeya, sida Xawaaladaha, Xafiisyada Kaalmada sharciga ama nootaayooyinka  iyo kuwo kale oo badan.




Siyaasadda:




Siyaasadda guud ee Puntland, maaha mid sidaasi u horumarsan, waxaana jira gol-daloolooyin fara badan oo ka muuqda dhamaan dhinacyada Siyaasadda, Maamulka dawladda dhexe, Hay’addaha Xeer dejinta iyo kuwa kale ee daruuriga u ah dhismaha Dawladnimada dhamayska tirsan.




Baarlamanka Puntland, waa Hay’adda loogu walaac badanyahay habka ay u waajahayso hawsha u taala ee Dastuuriga ah.




Waa 66 xubnood oo lagu soo xulay hab qabali ah, waxaanay doorteen Madaxweyne cusub iyo ku-xigeenkiisa Puntland 8-dii bishan Janaury, ka dib markii si cago jiid badani ka muuqdo dib u soo xulistooda la dhamaystiray todobaadyo uun ka hor qabsoomida Doorashada Madaxweynaha.




La soco..




Wariye: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Email: editor@gobanimonews.com / curad1986@hotmail.com




Tel: 0634229772