Friday, January 24, 2014

Suuriya: Waan ka baxaynaa wadahadalka


140122171449_syria_geneva_meeting_512x288_bbc_nocreditErgada dowladda ayaa doonaysa in la bilaabo ka doodidda qoddobada muhiimka ah ugu dambeyn maalinta Sabtida ah.




Wasiirka arrimaha dibada Suuriya, Walid Mucallim, ayaa hanjabaada ka sheegay warbaahinta qaranka ee dalkiisa, kaddib markii ay kooxdiisa la shirtay dhex dhexaadiyaha Qaramada Midoobay, Al-akhdar Ibrahimi.






Weli waxaa jira kala qeybsanaan weyn oo labada dhinac u dhexeysa.




Dowladda Suuriya ayaa doonaysa in diirada la saaro la dagaalanka argagixisada, halka mucaaradkana ay doonayaan in xukunka laga qaado Madaxweyne Bashar al-Assad.




Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in walwalka ugu weyn uu yahay xaqiijinta in labada dhinac aysan ku kala tegin wadaxaajoodka.




Wadaxajoodka nabada ee Suuriya ayaa muddo dheer la sugayay.




Waa markii ugu horreysay ee dhinacyada ay si rasmi ah u wadahadlayaan saddexdii sano ee ay colaadda Suuriya jirtay




GOBANIMO NEWS