Thursday, January 23, 2014

Radamel Falcao Oo Seegaya Koobka Adduunka Ka Dib Dhaawacii Xalay Soo Gaaray.


Falcao-533x3001Rajadii uu Radamel Falcao ka lahaa Koobka Adduunka ayaa u muuqata mid soo dhamaatay ka dib markii la sheegay inuu garoomada ka maqnaanayo muddo lix bilood ah.




 




Weerar yahanka kooxda AS Monaco ayaa ku dhaawacmay kulankii ay kooxdiisa 43-0 kaga badisay kooxda Monts Or Azergues iyadoo Falcao uu ahaa xiddigii goolasha furay.




 




Falcao ayaana ciyaarta looga saaray bareelo iyadoo dhaawaciisa uu ahaa mid jilibka ah, laakiin markaasi lama hubi inta uu la egyahay dhaawaciisa.




 




Baaritaanadii lagu sameeyay maanta ayaa xaqiijisanaya in dhaawac halis ah uu ka soo gaaray jilibka islamarkaana uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan lix bilood taasoo ka dhigeysa inuusan ciyaari doonin Koobka Adduunka.




 




Dhaqtarka kooxdii hore ee Falcao Porto Doctor José Carlos Noronha ayaa xaqiijiyay in jeex uu jilibka ka galay Falcao islamarkaana uu maqnaanayo muddo lix bilood ah.