Sunday, January 26, 2014

Caynabo: Hay’ada amaanka oo lagu dhaliilayo Dilalka soo noqnoqda iyo gacan ku-dhiigleyaal baxsaday


Ganacsade lagu Dilay Oog iyo Bulshada oo Saluugsan Ciidanka Amniga Gobolka  saraar




Oog(GNA)-Ganacsade aad looga yaqaanay Gobolka Saraar, kana mid ahaa Odeyaasha Magaalada Oog, ayaa lagu dilay Magaalada Oog Arbacadii todobaadkii hore, ka dib markii Nin hubaysan oo isla deegaanka u dhashay xabad ku dhuftay.




Cabdi Aadan Garas oo ahaa Maal-qabeen deegaanka laga yaqaano, isla markaana sama-taliska Gobolka ka mid  ahaa, ayaa waxa dilay Nin ay Dhul isku haysteen, kaasoo rasaas ku furay, ka dibna baxsaday.




Marxuumka dhintay ayaa Cisbitaalka Burco ugu dhintay dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay Rasaastaasi, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mida Maamulka Gobolka Saraar.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka ee Gobolka Saraar oo la xidhiidha dilkan, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa in gacan ku dhiiglihii dilka geystay uu u baxsaday dhinaca degmada Yogoori ee Gobolka Sool.




Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ninka wax dilay uu u baxsaday Gobollada Puntland, isla markaana ciidanka amnigu ku guul-daraysteen inay soo qabtaan.




Dilka ayaa dhacay todobaad wax ka yar ka dib markii xal ku meel gaadh ah laga gaadhay dil kale oo isla laba todobaad ka hor Duleedka Degmada Oog ka dhacay, kaasoo sababay isku dhac laba beelood oo deegaan wadaag ku ah Soohdinta u dhaxaysa Gobollada Sool iyo Saraar.




Dagaalka ka dhashay dilka hore ayaa geystay khasaare nafeed oo dhaawac iyo dhimasho isugu jirta, iyadoo muddo dhawr maalmooda masuuliyiin dawladda dhexe ka socdaa oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ay  xalintiisa halkaasi u joogeen.




Saraakiisha Dawladda iyo dadka wax-garadka ah ee Gobolka Saraar, ayaa Shaqaaqooyinka, dilalka iyo baxsashada Dambiileyaasha dhibta geysta  ee Gobolka ku soo badanaya ku dhaliilaya Hay’addaha amaanka ee nabad gelyada u xilsaaran.




“Dilalka iyo gacan ku dhiigleyaasha baxsanaya waxaanu ku dhaliilaynaa Hay’adaha amaanka ee Gobolka oo gaabis ka noqday shaqadooda”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Xildhibaan Maxamed Abyan oo ka mida Golaha deegaanka ee Degmada Caynaba, kaasoo xubin ka ah, guddi ka shaqaysa nabad-gelyada oo qaybaha Bulshada iyo dawladda ka kooban.




Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray inaan wali ciidanka amnigu soo qab-qaban Dad badan oo dilal geystay muddooyinkii u dambeeyay, kuwaasoo baxsad ku wada maqan “Gobolka saraar gacan ku-dhiigleyaal badan oo dad ku dilay wax la soo qabtay ma jiro, qof qudha lama soo qaban ilaa kan u dambeeyay, taasna waxaanu ku dhaliilaynaa Ciidanka amniga”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka Saraar ayaa sanadkii 2013-ka badhtamihiisii lagu dilay Sarkaalkii Sirdoonka gobolka haystay, kaasoon ilaa hada dilkiisa cid loo hayaa jirin, iyadoo ay dhinaca kale iska hor-imaadyo kala duwan oo dhimasho sababay ka dhaceen gobolka isla sanadkaasi iyo todobaadyo ka hor.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com