Wednesday, January 29, 2014

Isra’iil oo xidhay nin u basaasayey Iran


Yitzhak BergelTalvev (GNA) Maxkamada Isra’iil ayaa afar sannadood  iyo badh ku xukuntay nin Yuhuud ah oo la sheegay inuu u basaasayey dowlada Iran.




Ninkan oo lagu magacaabo Yitzhak Bergel ayaa la sheegay inuu xidhiidh la sameeyey safaaradda Iran ee ku taal magaalada Berlin ee dalka Germany, halkaasi oo uu kula kulmay xubno ka socda sirdoonka Iran, sida lagu sheegay dacwada maxkamada.




Ninkan la xidhay ayaa ka tirsan kooxda Neturei Karta oo ah koox yar oo ka tirsan Yuhuuda mayilka adag, kuwaasi oo kasoo horjeeda diin ahaan dhismaha maamulka Isra’iil. Hore ayey xubno kamid ah kooxdaasi xidhiidh ulla sameysteen dowlada Iran.




Ninkan ayaa qirtay inuu xidhiidh la sameeyey dowlada Iran, wuxuuna sheegay in uu arrintan u sameeyey maadaama uu kasoo horjeedo xukuumada Isra’iil iyo waliba sababo la xadhiidha dhaqaale loo balan qaaday.




Maamulka Isra’iil ayaa sheegay in aaney  jirin dhaawac soo gaadhay sirta militariga Isra’iil oo ay ka hortageen ninkan wax basaasayey.




Wadanka Isra’iil ayaa ah dalka kaliya ee heysta hubka Nukliyeerka oo aan la shaacin, wuxuuna dalkaasi imika walaac weyn ka qabaa Barnaamijka Nukliyerka ee wadanka Iran wado.