Thursday, January 23, 2014

Laascaanood: Wasiir iyo Badhasaabka Hargeysa oo Lad-qabo beeleed u jooga Sool


Laascaanood(GNA)-Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Somaliland iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xalin khilaaf beeleed u jooga Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, muddo usbuuc ku dhadhow.




Cabdi-waaxid Cabdiraxmaan iyo Axmed Maxamed Jeeni yare yare, ayaa la sheegay inay halkaasi sii joogeyaan ilaa inta la soo afjarayo xiisad ka dhalatay Dilal Aano ah oo kala gaadhay Beelaha ay ka soo kala jeedaan.




Shaqaaqada labada beelood ee masuuliyiintu ka soo kala jeedo, waxa u xidh-xidhan dad dhinac ah, kuwaasoo gacanta ku dambeeyay, isla markaana nin dhinaca kale ee ay ishayaan ah dilay.




Dhanka kale, waxa la sheegay in Wefti Golaha Guurtida ka socda ay arrinta uga soo baxeen Magaalada Hargeysa, si ay qayb uga qaataan daminta xiisada.




Xubno ka mida ergooyinka labada beelood ku kala dhex jira, ayaa Gobanimonews u sheegay inay soo afjarida arrintaasi meel wanaagsan marayso, isla markaana marka ay ergada Guurtida ahi timaado loo fadhiisanayo sidii loo soo khatimi lahaa.




Shaqaaqooyinka u dhexeeya Beelaha deegaan-wadaagta ah ayaa inta badan ka dhacda dhulka Somalida, taasoo sanadihii ugu dambeeyay u muuqata mid Gobollada Bariga Somaliland ku soo badanaysa.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com