Sunday, January 26, 2014

Somaliland oo la soo wareegtay Dhalinyaro Al-shabaab Hargeysa ka duufsatay oo Garoowe lagu qabtay


Laascaanood(GNA)-Somaliland iyo Puntland ayaa todobaadkii hore Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool kula kala wareegay  afar dhalinyaro ah oo Magaalada Hargeysa ka tegay bishan horaanteedii , kuwaasoo lagu qabtay Magaalada Garoowe xarunta Maamulka Puntland.




afartan Dhalinyarada ah ayaa ku sii jeeday Gobollada dhexe ee Somalia, si ay ugu biiraan Kooxda Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Ururka Al-qaacida, ka dib markii laga tashkiiliyay Masaajid ku yaala Magaalada Hargeysa.




Dhalinyaradan ayaa lagula kala wareegay Magaaladda Laascaanood maalmo ka hor, ka dib markii saddex todobaad muddo ku dhow Ciidanka Amniga Puntland dhexda ka qabteen, isla markaana muddo ku baadhayeen saldhigyo ku yaala magaalada Garoowe.




Waxa ay la socdeen wiilashani  Gaadhi u socda dhanka Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasoo sida la sheegay ay uga sii gudbi rabeen dhinaca Koonfurta, sidaasi waxa Gobanimonews u xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ee labada Maamul.




Ma jiro war rasmiya oo labada dhinac ka soo saareen la kala wareegista wiilashan Hargeysa laga soo kaxaystay oo marka la qabtay aanay jirin cid kale oo la socotay ama wadday oo la qabtay, hase ahaatee xubno sar-sare  oo ka mida Laamaha daba-galka Somaliland, ayaa Gobanimo u sheegay in dhalinyaradaasi lala socday ilaa markii ay ka ambo baxeen Masaajidka Al-huda ee Hargeysa.




Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in lagu daba jiro rag kale oo ka dambeeyay arrinkan, kuwaasoo sida ay tibaaxeen iyagu ku sugan gudaha Somaliland.




Saraakiisha ayaa ka gaabsaday inay tibaaxo intaasi ka badan bixiyaan sababo la xidhiidha xaasaasiyada kiiskan iyo amniga, balse warar kale oo Gobanimo heshay, ayaa intaasi ku daraya in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland la wareegista wiilashan goob-joog ka ahaa, isla markaana xabsiga magaalada Laascaanood lagu xidhay.




Wiilashan ayaa la sheegay in loo soo dhaadhiciyay dhanka Magaalada Hargeysa, isla markaana ay baadhis ku hayaan laamaha Dambi baadhista Somaliland.




Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale Magaalooyinka Somaliland looga kaxaysto Dhalinyaro ku biira dagaalyahanada Ururka Al-shabaab, hase ahaatee sanadihii la soo dhaafay ayaa dhalinyaro tiro badani ka baxeen Magaalooyinka Boorama iyo Burco.




Qabashada ragan labada maamul isku soo wareejiyeen ayaa noqonaysa markii ugu horaysay inta la ogyahay, waxaanay qayb ka tahay wadashaqayn dhanka amniga ah oo u dhaxaysa, taasoo kaga hortegayaan dhaqdhaqaaqa kooxaha nabad-diidka ah Koonfurta Somalia dagaalada ka wada.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com