Friday, January 24, 2014

Madaxweynaha Soomaliya Ayaa soo dhoweeyay Ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM


488FF88C-3F15-4341-BBB4-9BD4808DFBBB_mw1024_n_s-400x280Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ku biirista Ciidamada dalka Itoobiya ay ku biireen Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM dhowaan.




Muqdisho{GNA}Madaxweyne Xassan Sheikh oo wareysi siinayay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Dowladdiisa ay soo dhoweynayso in ku biiritaanka AMISOM ee Ciidamada Itoobiya, isagoo sheegay in ay xoojin doonaan howlgalka isla markaana xaaladda bedeli doonaan.




Wuxuu meesha ka saaray in ay fursad u tahay Al-Shabaab in ay taageero ka helaan bulshada Soomaaliyeed maadama labada dal uu jiro taariikh madow ka dhexeeyo.




Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in waxay qaban doonaan ay cad yihin isla markaana ay waqti joogi doonaan dalka deetana ay isaga bixi doonaan.




‘’ In ay AMISOM noqdaan waxaan u aragna in ay tahay xaalad ka wanaagsan tii hore, waxay xoojin doonaan howlgaladda. Taariikhda Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid dheer ah oo soo jireen ah, dabcan qayb kamid ah ma qurxoona in aan hagaajino ayaa nalooga baahan yahay’’, ayuu yiri.




Ciidamada Itoobiya ayaa hore ugu sugna qaybo kamid ah gobolada Soomaaliya, waxaana labo maalin kahor munaasabad ka dhacday Baydhabo si rasmi ah loogu wareejiyey Saldhiga saddexaad AMISOM ee gobolada Bay & Bakool. Waxay kala wareegeen Ciidamada Uganda iyo Burundi oo hore ugu sugna.




Dowladda Federaalka ayaa dhowaan shaacisay in ay duulaan ku tahay goobaha ay ku harsan yihin Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya.




Gobanimo news




Muqdisho-somalia