Thursday, January 30, 2014

Jaamac C/lahi Biin: kala qaybsanaanta reer Burco waxa ka masuul ah Cuqaasha”Dhegeyso


vlcsnap-2014-01-29-21h39m08s254Burco(GNA)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer Xukuumaddii Rayaale, ayaa si weyn u dhaliilay kala qaybsanaanta Bulsho ee ku soo korodhay  Gobolka oo saameyn weyn ku yeelatay isdhex-galka iyo samaan ku wada noolaanshiyaha dadweynaha, xanuun badana ku haysta dadka Indheer garadka ah.




Jaamac Cabdilaahi Warsame (Biin), ayaa Gobolka Togdheer badhasaab ka ahaa labadii sanadood ee ugu dambeeyay muddo xileedkii Xukuumaddii Rayaale, xiligaasoo Gobolku ahaa deegaamada ugu xaasaasisan ee xumadii siyaasaddu xiligaasi haysay. Xisbiga kulmiyena taageerada ugu balaadhan ku lahaa.




Isagoo shalay ka hadlayay saddex sanadood ka dib goobtii uu xilka ku wareejiyay oo ay ka dhacday Munaasibad uu xilka kula wareegayay Badhasaabkii afaraad ee Gobolka Togdheer mudadii ay xukuumadda Kulmiye talada haysay, waxa uu canaan culus u soo jeediyay Madaxdhaqameedka iyo dadka waayeelka ah ee Gobolka oo uu sheegay inay ka masuul yihiin mushkiladaha qabyaaladu ku hayso reer Burco.




“kala qaybsanaanta iyo qabyaalada waxa keenay Odayaasha waaweyn ee Warbaahinta la soo taagan hadii aanu Reer Burco nahay oo reer Hebel ka sii nahay , waxaasaa nalagu sameeyay ama Odayga weyn ee odhanaya inankaygiibaa shaqada lagaga soo eryay qabyaalad”ayuu yidhi.




Guddoomiye Biin ayaa sidoo kale, sheegay in Cuqaashu safka hore kaga jiraan dadka caadaystay dhaqanka noocan ah ee laga dhaxlay kala qob-qobnaanta iyo qabyaalada “cuqaashu kowbay ka yihiin dadka noocaas ah, waxaanan ku talin lahaa in caaqilka dambe ee hadal noocaasa warbaahinta la yimaada xasaanada laga qaado”.




“halkan maalintii aan xilka ku wareejiyay ayaa Mikirifoon aan ku hadlo iigu dambeysay”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Jaamac Cabdilaahi Biin, ayaa ugu dambeyn dadweynaha Reer Burco kula dardaarmay inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo soo magacaabay “reer Burco waxaan ka codsanayaa inay Badhasaabka cusub ula shaqeeyaan sidii ay iila shaqayn jireen, hadii saddexdii ka horeeyay wax tawdeen”.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/BIIN.mp3"][/audio]




Wariye: Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com