Tuesday, January 28, 2014

Merseyside Derby: Liverpool Vs Everton Kulan Lagu Dagaalami Doono Kaalinta 4-aad ee Premiership-ka England.


SturridgeVsLukaku-3066527




Mudo 30-sano kadib caawo waxaa garoonka Anfield ka dhici doono Merseyside derby kulankii ugu adkaa sidaasna waxaa isku raaceen dhamaan halyeeyaasha kooxaha Liverpool iyo Everton usoo wada cayaari jireen sidaa darteed kulan caawo miisaan culus ayuu u leeyahay labadan naadi macalin Brenden Rodgers kooxdiisa Reds haatan hal dhibic ayay ka sareysaa dhigeeda Everton oo uu hogaamiyo Roberto Martinez labadan koox 4-aad iyo 6-aad ayay ku kala jiraan balse caawo natiijada kasoo baxdo kulankan waxay sababi kartaa inay goor hore kala haraan!




 




Kooxda Liverpool waxay ku rajo weyn tahay inay caawo kaashato garoonkeeda Anfield waayo xili cayaareedkan labo kulan oo kaliya ayay ku badin weesay Anfield sida darteed macalin Rodgers ka filo inuu kulankan qaab weerar ah kusoo galo, 3-kulan ee ugu dambeesay oo ay labadan naadi wada cayaareen bar bar dhac ayay ku kala baxeen, Rodgers iyo Martinez mid walbo wuxuu doonayaa inuu gaaro guushii ugu horeesay Merseyside derby.




 




Liverpool waji wanaagsan ayay ku bilaawday sanadkan 2014 madaama 5-kulan oo ay cayaartay 4-ka mid ah ay guuleesatay sidoo kalena labadan koox waxay usoo gudbeen wareega 5-aad ee FA Cup-ka, waxaa xusid Daniel Sturridge tan iyo markii uu dhaaca kasoo laabtay 4-kulan ee ugu dambeesay uusan gool la’aan bixin.




 




Naadiga Everton 7-kulan ee ugu dambeesay oo ay cayaartay Merseyside derby ma aysan guuleesanin waxaana ugu dambeesay xili ay Liverpool ka badiyaan sanadii 2010!




 




Everton-v-Liverpool-Premier-League-2843402




 




Aqbaar la xariirto xidigaha labadan naadi:




 




Kooxda Liverpool dhibaato xoogan ayaa heesato madaama inta badan xidigaheeda ugu muhiimsan gaar ahaan Lucas Leiva iyo Glen Johnson ay kulankan adag seegi doonaan sidoo kale Daniel Agger iyo Jose Enrique iyagana masoo xaadiri doonaan balse Mamadou Sakho ayaa dib tababar u bilaabay lamina hubo inuu kulankan ka qayb qaadan karo.




 




Dhanka Everton aqbaar aan wanaagsaneyn ayaa todobaadkan lasoo daristay madaama daafaceeda garabka bidix Bryan Oviedo uu dhaawac halis soo gaaray, wiilka beryahan laga daba dhacay Seamus Coleman isagana shaki weyn ayaa ku jiro inuu caawo safan karo haka reebin Steven Pienaar isagana dhaawac dhanka gumaarka ah ayuu qabaa, Gerard Deulofeu ayaa lagu wadaa inuu caawo safto kadib markii uu kasoo kabtay dhaawac uu mudo dheer ku maqnaa balse Rose Barkley oo suulka ka jaban ma cayaari doono.




 




5-kulan ee ugu dambeesay oo ay labadan naadi wada cayaareen:




 




England – Premier League ‎(EPL)‎ Nov 23, 2013 Everton 3 – Liverpool 3




 




England – Premier League ‎(EPL)‎ May 5, 2013 Liverpool 0 – Everton 0




 




England – Premier League ‎(EPL)‎ Oct 28, 2012 Everton 2 – Liverpool 2




 




England – FA Cup ‎(FA)‎     Apr 14, 2012 Liverpool 2 – Everton 1




 




England – Premier League ‎(EPL)‎ Mar 13, 2012      Liverpool 3 – Everton 0




 




Line Up-ka macquulka ah oo ay labadan naadi caawo kusoo gali doonaan:




 




Liverpool: Mignolet, Cissokho, Touré, Skrtel, Flanagan, Henderson, Gerrard, Coutinho, Suárez, Sterling, Sturridge




 




Everton: Howard, Distin, Jagielka, Baines, Stones, Barry, McCarthy, Osman, McGeady, Mirallas, Lukaku