Thursday, January 23, 2014

Yuusuf Garaadoow: AJi Faaney Leeb Iyo QAANSO Ayaa Loo Dhiibaa


Yuusuf GaraadJimcihii todobaadkan  waabarigii ayuu nin aanu saaxiib nahay anigoo hurda Telefoon ii soo diray, waxa uu ii sheegay in lagu dhawaaqay Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo muddo la filayay, waxaan markiiba weydiiyay inuu ku jiro Yuusuf Garaad Cumar oo aan anigu filayay inuu xubin firfircoon ka noqon doono Golaha Wasiirrada ee Raysal wasaaraha cusub.




 




 




 




 




 




Markii ninkii warkan  ii soo sheegay Wasiirrada uu wada akhriyay magacyadii xubnihii lagu dhawaaqay ,waxa uu igu soo war-celiyay inaanu ku jirin. Waxaan  u danaynayay inuu ka mid noqdo Golaha  Wasiirrada, waxay ahayd inaan arko  mar uun Yuusuf Garaad oo fursad u helay mansab wasaaradeed oo aan ka qiyaas qaadanno sida uu u dabaqayo  tallooyinkii taxanaha ahaa ee uu la garab taagan yahay madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya ee uu ku daabaco bartiisa xidhiidhka bulshada  ee face-book.




 




Ma cambaareynayo  Yuusuf Garaad Cumar, mana naqdiyayo tallooyinka   bilaashka ah ee doonayo inuu ku toosiyo dalkiisa Soomaaliya ee  rajadda  mustaqbalkiisa caqabadaha badani hor yaalaan.




 




 Waa nin intiisa karti iyo aqoon ku leh oo bisil. Waxa uu maamule ka ahaa  muddo toban sano iyo jar-jar ah laanta afsoomaaliga ee  idaacadda  BBC-da oo marjac u ah siyaasadda dalka  Naafoobay ee Soomaaliya. Inkasta oo Yuusuf  Garaad lagu eedeyn jiray inuu macalin gaboobay ku ahaa qaraabo-kiilka,nin jeclaysiga iyo inuu si cad uga soo horjeeday qadiyadda madax banaanida Somaliland oo uu il-quudheed ku eegi jiray mudadii uu xafiiska BBC-da joogay. Haddana anigu shakhsiyan waxaan ka mid ahaa dadkii  u haysatay inuu ahaa suxufi xirfad leh oo dhex-dhexaad ah. waxaan xiisayn jiray fallooyinkiisii, waraysiyadii uu qaadi jiray iyo barnaamijkii falan-qeynta jimcaha  oo anigu aan u arki jiray inay ahaayeen kuwo mawduuciya oo dhex-dhexaad ahaa.




 




 




 




Waxaan ku  bogaadinayaa sida uu ugu hambalyeeyay,uguna haneeyay axsaabtiisii qalinku ugu dhacay in loo magacaabo xilalkii uu quudareynayay. Waxa uu  qirtay in markii labaad tan iyo 2012-kii uu isku dayay inuu fursad u helo uu kaga qeyb qaato hanaanka siyaasadeed ee dalkiisa Soomaliya, hase yeeshee aanay riyadiisii u rumoobi weyday.




 




“Maaddaama ay saaxiibbo badan igula taliyeen in aan Xukuumadda ka mid noqdo, waxaan la socodsiinayaa in aan jeclaa in aan ka mid noqdo. Ra’iisal Wasaare Mudane Cabdiweli Sheekh waan ka codsaday in aan Golahiisa xubin ka noqdo. Sidoo kale, Madaxweynaha, Mudane Xasan Shiikh isagana waan ka codsaday. Sabab kastaa ha keentee waxay doorbideen in aan la iga qeyb gelin Golahan. Waa markii labaad tan iyo 2012 ee aan isku dayo in aan ka qeyb galo ama tallo ku yeesho siyaasadda dalka,”ayuu ku yidhi Yuusuf Garaad qoraal uu ku daabacay mareegtiisa Face-book.




 




Waxaanu isagoo muusoonaya intaas dabo-dhigay “Waan ku xushmeynayaa go’aankooda. Waxaan hubaa in aan xukuumaddu u dhutin doonin ka maqnaashaheyga. Dad iga aqoon, khibrad iyo xog ogaalnimo badan, iga dhihi og iyo dad iga miisaan culus kuma yara Golaha lagu dhawaaqay.”




 




Edaabtaas uu u hadlay, qiraalkaas uu qirtay inay ka dhicisowday dedaalo uu Wasiirnimo ugu xusul duubayay waa mid ugub ku ah dalka Soomaaliya oo ay dhici karto in siyaasiga xil waayaa uu qori iyo dirir ka xigo mansab waa taabi waayay.




 




Aan ku bogaadiyo siyaasigan layliga ah, hase yeeshee niyadda iyo hanka wanaagsan oo aan xusuusiyo in wakhtiyo badani hadheen haddii la noolaado.




 




 




 




Madaxda dalka Soomaaliya ayaa iyana looga baahnaa inay tijaabiyaan Yuusuf  Garaad, ragga iyo hablaha kale noociisan oo kale ah ee  u jeellan inay wax qabtaan.




 




 




 




Yuusuf Garaad waxaan xusuusinayaa dalka uu doonayo inuu u shaqeeyaa ma aha kii Ingiriiska ee uu ka yimid, ama dal kale oo nabadoon oo  si togan ay uga dhaqan geli karto hindiseyaasha qoraalkiisa iyo maskaxdiisa ka buuxa.




 




Haddii Eebe idmo waxa laga yaabaa Yuusuf Garaad oo xil ka qabtay Soomaaliya oo  aan arragno sida uu u shaqeeyo, ka dibna aan xasuusino Maahmaahdii ahayd “AJI FAANAY LEEB IYO QAANSO AYAA LOO DHIIBAA”




 




 




 




 




 




Cumar Maxamed Faarax




 




cumarmfaarax@hotmail.com