Tuesday, January 28, 2014

Cali-daacuun iyo Sooyaalka Siyaasadda Somalia.qaybtii8-aad


CALI DAACUUN: SOOYAALKII  SIYAASADEED  EE  SOO  DHEXMARAY  MADAXWEYNIHII  HORRE  SHEEKH  SHARIIF+  FARMAAJO +  SHARIIF XASAN + CABDIWELI + FAROOLE + KAMPALA   ACCORD + MAHIGA




 




QEYBTII 8-AAD




Umadda Soomaaliyeed, waxay u qeyb-san tahay XOOLALEY IYO BEERALEEY, mana laha taariikh siyaasadeed ama SOOYAAL, maxaa yeelay WAA UMMAD ORAAH ama HADAL wax isugu gudbisa, arrintaas waxay meesha ka saartay, in la yeesho TAARIIKH aan muran laheyn, xusuustuna way ku yar tahay Soomaalida, waxaana u sabab ah, sida aan kor ku soo sheegay.




Haddii ay jiri laheyd taariikh lagu xisaabtamo, waxaa meesha iman lahaa SHALAY muxuu qabtay wasiirkani ama mudanahani.




Bal eeg Mudanayaasha Baarlamaanka Soo galay, intooda badani waxay soo galeen Shirkii Carta, qaarkood 1960-kii ayey soo galeen baarlamaanka, waxayna maanta xubin ka yihiin baarlamaanka jooga, haddii ay jiri laheyd taariikh lagula xisaabtamayo mudanaha ama wasiirka, Muxuu qabtay? waxaa dhici laheyd, mid dhaama in uu kursiga ku fariisan lahaa, waxaana muuqan lahaa tartan iyo wax-qabad, waxaana iman laheyd in qof waliba dadaalo, oo uu wax u qabto dalka iyo dadka, dhowrana dastuurka maadaama uu ku dhaartay. 




Lama arag taariikhda noolaha, nin ka yimi maamul goboleedka Punt-land oo dowladda dhexe ka noqday Madaxweyne ama Ra’iisul-wasaare, markii uu fashilmayna dib ugu noqday deegaankiisii oo iska soo sharaxay, noqdayna Madaxweynaha Punt-land waa Cabdi-weli Cali Gaas, hortiis ma dhicin.




Waa Arrin ugub ku ah Taariikhda, waxaana keenay Taariikh la’aanta aan la qorayn iyo in qofka la yiraahdo Shalay ayaanu wax kuu dhiibanay, maanta waxba kuu dhiiban meyno, maxaa yeelay waanu soo tijaabinay wax-qabadkaagii iyo Wadaniyadaadii.




Umadda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa Mugdi Siyaasadeed, sida ay uga baxdaana way adag tahay, maxaa wacay, waxaa meesha ka maqan wadaniyad, xisaabtan, daacadnimo iyo qofka oo lagula xisaabtamo wax-qabadkiisa.




Waxaa kaloo meesha soo galay, wax la yiraahdo QABIIL, oo ka xoog roonaaday wadaniyaddii iyo diintii. waa la hubaa in aan qabiil meel lagu gaareyn, waxaa taas ka sii daran, Madax dhaqameedyadii oo inaga xumaaday intoodii badneyd, kuna milmay siyaasadda, una kala eexday dadkii ay u ahaayeen Madax-dhaqameedka, taasina waxay keentay in qabiil waliba sameysto oday u taliya, waayo kii la isku raacsanaa ayaa noqday SULDAAN DANEYSTE AH, qaadanaayana nolol-maalmeed ama laaluush.




Dhibaatada Soomaaliya qeyb weyn waxaa ka ah, madax-dhaqameedyada, intooda badan, waxayna noqdeen IS-BAARO DADBAN, oo aan laheyn qori AK47, waana tan sahashay in baarlamaanku noqdo waxaan tayo laheyn, oo aan ilaalineyn dastuurkii uu ku dhaartay.




FAROOLE iyo Cabdi-weli Cali Gaas, oo hadda kala tirsaday xilkii Punt-land, waxay qeyb weyn ka qaateen sidii loo soo xereeyay madax dhaqameedyadii soo xulay baarlamaankan hadda jira, waxaan garanayaa rag aan madax dhaqameed aheyn oo ay xereeyeen, waxayna kala lahaayeen labo ujeeddo, Cabdi-weli ujeedadiisu waxay aheyd Odaygu mudanaha uu soo xulo ha ku siiyo codka, maadaama aad tahay Murashax Madaxweyne, intoodii badneyd mudanayaashu way ku ballan fureen Cabdi-weli, waxayna codkii siiyeen Murashaxiin kale, Faroole ujeedadiisu waxay aheyd la dagaalan Maamul Goboleedka Khaatumo State, wuxuuna keenay qaar aan madax dhaqameedba aheyn, balse uu ku doodayo waa reer punt-land.




 




LA SOCO QEYBTA 9-AAD ………………………..