Saturday, January 25, 2014

Qaybtii Labaad Munaasabad Loogu Magac Daray” Habeenka DYMON Iyo Haldoorka Reer Awdal” Oo Caawa Ka Dhacday Hotel Rays +Sawiro


Ururka-DYMON-411Boorama-(GNA)-Munaasabad balaadhan oo nooceega oo kale tii ugu horeysay oo ay soo agaasimaan ururka dhalinyarada Ee DYMON oo ka hawlgala guud ahaan Somaliland iyo gaar ahaan Gobolka Awdal ayaa habeenkii xalay aha ka dhacday Hotel Rays Ee Magaalada Boorama,waxaana munaasabadaas ka soo qayb galay marti sharaf iyo maamulka heer gobol iyo heer degmo




Furitaanii munaasabadan ka dib ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyay gudoomiyaha cusub ee ururkan DYMON  Mudane Mustafe Cabdi Xaddi waxa uuna ku dheeraaday ujeedooyinkii ka danbeeyay aasaaska ururkan taas oo uu sheegay in ay ururkan aasaaseen sannadkii 2003, sheegayna in ay aasaaseen dhalinyaro mutadawiiciina.




Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ururkan u aasaaseen baahiyo waxbarasho iyo horumarineed oo xiligaas jiray haatana jira kuwaas oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen kuna tala jiraan in ay inta dhimana dabooli doonaan waqtiyada dhaw ee Soo socda.




Gudoomiye Mustafe ayaa ugu danbayn waxa uu hoosta ka xariiqay in ay sannadkan barnaamujyadooda ku soo kordhiyeen barnaamuj ay ugu magac dareen Habeenka Dymon iyo Haldoorka Awdal oo uu sheegay in ay sannad walba laga bilaabo sannadkan qaban doonaan taas oo uu sheegay in ay ugu tallo galeen bulshada noocyadeeda kala duwan dadka ay u gartaanin ay wax muuqda bulshada u qabteen,




Intaas ka dib waxaa la gudagalay qaybinta shahaado sharafyo aad u tiro badan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah shirkadaha Ganacsiga Sida DAHABSHIIL GROUP ,TELESOM ,Ururo, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dawlada,jaamacaddaha gobolka iyo dad kale waxa ayna ahaayeen kuwo la sharaxayay waxqabadyada ay bulshada u qabteen.




Shahaado sharafyadan la bixiyay ayaa waxaa ka mid ahaa mid la siiyay ururka dhalinyarada Iftiin Group oo wax wayn ku soo kordhisay Boorama waqtiyada habeenkii iyaga oo shiday qaar ka mid ah wadooyinka halbawlaha ah kana dhigay mid la mid ah wadamada caalamka taas oo dadkii munaasabadan ka soo qayb galay ay ku amaaneen waxqabadkaas quruxda u soo hooyay Boorama,




Gabogabadii munaasabadan ayaa waxaa halkaas hadalo mahadnaq uga soo jeediyay talaabadan wanaagsan ee ay soo bandhigeen ururkani qaar ka mid ah mas’uuliyiinti iyo marti sharaftii kale ee ka soo qayb galay iyaga oo sheegay in ay mudan yihiin ku dayasho wanaagsan.”




Gobanimo news




Borama-somaliland




Mustafe caraale




Ururka DYMON (30) Ururka DYMON (34)




Ururka DYMON (28) Ururka DYMON (27) Ururka DYMON (26) Ururka DYMON (25)Ururka DYMON (24) Ururka DYMON (23) Ururka DYMON (22)




Ururka DYMON (42) Ururka DYMON (41) Ururka DYMON (40) Ururka DYMON (39)Ururka DYMON (38) Ururka DYMON (37) Ururka DYMON (36) Ururka DYMON (35)