Thursday, January 23, 2014

Macalin Arsene Wenger Oo Layaaban Sababta Uu Juan Mata Ugu Biirayo Man United.


wengerTababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa su’aal ka keenay heshiiska ay Chelsea kaga iibineyso Juan Mata kooxda Man United xili saacadaha soo aadan Mata uu noqon doono xidig Red Devils ka tirsan.




 




Xidigaan reer Spain ayaa la filayaa inuu dhameystiro heshiiska United madama labada kooxood ay ku heshiiyeen qiimaha isla markaana uu Juan Mata u duulay Old Trafford si uu tijaabo caafimaad u maro.




 




Manchester United ayaa fadhisa kaalinta 7-aad, waxaana ay 6-dhibcood u jirtaa kaalinta Afaraad ee Champions League.




 




Si Kastaba Macalinka reer France ee leyliya Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in heshiiska Mata ay tahay qiyaano madama Chelsea aysan ka iibin Mata laba isbuuc ka hor si uu wajaho kooxdiisii hore kulankii goor sii horeysay lagu kala baxay ee 3-1 ay ku awood sheegatay Chelsea.




 




Wenger ayaa yiri:




 




“Waan la yaabay heshiiska Mata iyo sababta uu ogolaaday inuu ku biiro Man United oo dhibtooneysa xiligaan waliba isagoo xidig weyn ah”




 




“Suuqa wuu furnaa, maxey chelsea uga iibin weysay Mata kooxda Man United laba isbuuc ka hor si uu qudhooda u wajaho? arintaas waxaan u arkaa qiyaano duugan” ayuu yiri Wenger mar kale.




 




Hadalka Wenger ayaa kusoo aaday xili kooxdiisa ay habeen dambe wajahi doonto Converty kulan ka tirsan FA Cupka waxaana maanka ku heysaa in Arsenal ay tahay hogaamiyaha Premier League.