Sunday, January 26, 2014

“Aniga iyo qofkii wax fahma waxa la gudboon inuu ka hadlo sida ugu haboon ee wax ku hagaagayaan… Soomaaliya waxa la gudboon In Aanay… Caalamka ictiraafka waanu ka raadsan ictiraafkuna nagama foga Inshaallahu”Eng: Maxamed Xaashi Cilmi


Maxamed.Xaashi




 




               Wareysi: 2006-kii laga qaaday  Eng: Maxamed Xaashi Cilmi




 




Midka (Gobanimonews) 27-1-2014-  mid ah Wareysiyada ugu muhiimsan ee la la yeeshay Siyaasiga weyn ee reer Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka udhashay isla markaana lagu Xasuusto doorarkii Xilalka Siyaasadeed ee uu ka soo qabtay Dawladdahii kala danbeeyey ee Somaliland soo mara iyo doorkii uu ka soo Ciyaaray ururkii Dib u xoreynta Dalka Somaliland ee SNM oo uu aasaayaashiisa ka mid ahaa ayaa waxa aanu halkan Mareegta Gobanimonews ay dib u milicsi idiinku soo gudbindoonta Wareysigan uu Siyaasigu dhinacyo badan kaga hadlay wakhitii laga qaaday.




Muj: Maxamed Xaashi Cilmi oo uu Wareysigan ka qaaday Wariye ka tirsan Shebekadda Wardheernews oo lagu magacaabo Cabdirashiid Cabdiraxmaan Xasan sanadkii 206-dii xiligaas oo Siyaasi madaxbanaan ahaa Eng :Maxamed Xaashi ayaa waxa uu kaga hadlay Wareysigan xiisaha Badan arimo badan oo ay ka mid ahaayeen Siyaasadii xiligaasi oo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu dalka xukumaayey iyo Mawqafka Somaliland ay ku goosatay Gooni isku taageeda iyo sida uu u arko Xukuumaddii  Xisbigii UDUB ee markaasi xilka haysay iyo ururkii SNM ujeedadii uu u dagaalamayey in bal xiligaasi la gaadhay iyo in kale.




Muj : Maxamed Xaashi Cilmi oo ugu horeyn Wareysigaasi laga qaaday 2006-dii ka hadlayey waxa uu u dhacay sidan.




 




WardheerNews  (WDN)  : Maxamed Xaashi marka hore waad ku mahadsan tahay fursadda aad noo siisay in aanu kula yeelanno waraysi, anagoo ku leh ku soo  dhawow WardheerNews.




Inj. Xaashi : Bismillaahi Raxmani Raxiim. Asalaamu Calaykum waa  Raxmatulaahi.  Waad mahadsantihiin kolka hore. Waxaan Ilaahay ka rajeynayaa inuu wareysigani noqodo mid faa’iido u leh dadka akhrista iyo Wadanka Somaliland Inshaallahu. WardheerNews Inshaallahu waxan kula talinayaa inay soo bandhigto warar waxtar ah oo aan dacaayad iyo yooyootan dad aan xilkas ahayni ka murmaan, iyagoon ka warhayn xaaladdu siday ka tahay dalkan dhexdiisa.. Intaasi waa iga dardaaran.




WDN : Marka hore nooga waran guud ahaan xaaladda Somaliland, wixii qabsoomay iyo marxaladihii ay soo martay intii ay ku dhawaaqday gooni isu taagga ?




Inj. Xaashi : Alxamdulilaahi Somaliland marxaladdo badan oo aad u adag ayay ka soo gudubtay, iminkana waxay maraysaa marxalad kale oo horumarin iyo inay isku tashato ah, marlabaadkana qadiyadeeda gooni-isu-taag ay sii xoojiso. Wakhtigan waxa habboon inaanu caalamka ku qancino ama tusno inaanu karti u leenahay horumarinta adeegga bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha. Waa laga wada dheregsan yahay sida layaabka leh ee ay Ummadda Reer Somaliland u tafatirtay geedi socodkii taabbo gelintanabada iyo dimoqradiyadda. Waxa caalamku qirayaa in ay tahay mucjiso aan hore u dhicin, iskadaa Afrika e, in aan caalamka intiisa kale la heleyn in waddan yar oo aan la aqoonsani ku talaabsado arrimahaa culus ee u baahan dhaqaale, aqoon iyo taageero caalami ah. Taa waxa noo suurto geliyey Ilaahay oo ka dhigay ummadan dad qalbi wanaagsan oo ballanka iyo cahdiga oofiya markay shir nabadeed isugu yimaadaan ama dhibaato dhex marto qaybaha kala duwan ee bulshada.




WDN : Waxa jirta in doorashooyinkii baarlamaanka ee dhawaanta dhacay ay aqlabiyad ahaan ku guuleysteen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid, hadaba ma jiraan wax isbedel ah oo ka muuqda  tayada  qaabka maamul ee baarlamanka?




Inj. Xaashi : Waxaan odhan karaa rajo weyn ayey dadweynuhu ka qabaan waaney ka muuqtaa runtii. Waxay markiiba ansixiyeen xeer hoosaadkii Golaha, lix gudi hoosaad ayayna sameeyeen sida (1) Gudida Arrimaha Bulshada & Diinta, (2) Gudida Arrimaha Gudaha iyo Nabadgeliyada (3)  Guddiga Arrimaha Dibedda (4) Guddiga Arrimaha Dhaqaalaha (5) Gudiga Dabagalka Musuqmaasuqa iyo Ilaalinta Hantida Qaranka.




WDN  :-  Inj Max’ed waxa jirta in inbadan aad ka hadashay musuqmaasaqa iyo maamul xumada xukuumadda Rayaale, khaasatan ku takri falka xoolaha ummada, sidee ayay xaaladdu hadda tahay ama  aad u aragtaa?




Inj. Xaashi  : Xoriyatal qowlku waa waxa ay Somaliland ku guuleysatay oo waa runtaa waan ka hadlaa musuqmaasaqa iyo maalmul toosinta. Dadweynuhu wuxuu doortay Mudanayaal aad u tayo fiican oo ay shaqadoodu tahay inay ilaaliyaan Hantida Ummadda ee ay ku dhaarteen inay Dalkan uga masuul yihiin. Aniga iyo qofkii wax fahma waxa la gudboon inuu ka hadlo sida ugu haboon ee wax ku hagaagayaan xumaantana ka reebo oo  uu uga digo ummaddan muslimka ah ee Ilaahay inagu eegayo sida aynu maskaxdeenna, maalkeenna, wakhtigeenna, awoodeenna, ubadkeenna, cilmigeenna, iwm aynu u isticmaalayno inta la nool yahay.




WDN : - Waxaa dhawaan la horkeenay golaha  baarlamanka miisaaniyaddii Maxaa la gudboon golaha inta aanay ansixin miisaaniyada?




Inj. Xaashi : Waxa la gudboon inay raacaan sida Distoorku qorayo. Ma aha inay baalmaraan waajibaadkooda ee waxa habboon oo khasab ku ah inay oofiyaan ballanqaadyadii ay ku ballan qaadeen markii ay dadweynaha ka doonayeen inay doortaan. Qodobada ka hadlaya Miisaaniyadu way cad yihiin ee ha u dabaqaan sida ay tahay oo cadaaladda ha ku adkaadaan Insha’alaahu. Aamiin.




WDN : - Waxaa dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa rabshado keenay dhimasho dad rayida, oo ay ka mid ahayeen kuwii ka dhacay cusbitaalka Hargeysa iyo daanta Dumbuluq. Kuwaas oo lagu eedeeyey in xukuumaddu isticmaashay xoog markaasi aan meesha ku habboonayn. Arrintaas maxaad ka odhan lahyd?




Inj  Xaashi : Way jirtay oo markiiba dadka Reer Somaliland sidii looga bartay way ka hadleen oo Xukuumadda ku eedeeyeen qaladkii ay gashay. Isla markiiba Dawladduna way ka cudurdaaratay oo dhacdadii hore wey ka qaadeen talaabadii habbooneyd. Dhacdadii dambe iyo guud ahaanba arrinta dhulka si aad u xooggan ayey dadweynuhu cabasho uga soo jeediyeen waana ta iminka hortaalla golayaasha iyo xukumaddaba inay si kama dambeys ah uga soo saaraan shuruuc kala hagta dadweynaha. La tashi balaadhan ayey bilaabeen Gudiga Arrimaha gudaha ee Baarlamanku oo ay wada marayaan dalka oo dhan si ay xeerka Dhulka ee ay gancanta ku hayaan u noqdo mid la wada ogol yahay.




WDN : - Waxaa hadda aad loo hadal hayaa in M/weyne Rayaale uu soo dhisayo maamul cusub. Kaasi oo ay dad ku dhadhawi sheegayaan inuu noqon doono mid kooban. Sidee ayay tahay rajada aad ka qabto arinkan?




Inj. Xaashi : Wuu ku khasban yahay inuu Golaha hor keeno xukuumaddaa ku saleysan awoodda dalka oo tayo leh. Ma aha inuu M/Weynuhu rabitaanka ummadda iyo sida dantu ku jirto marwalba ka hor yimaado. Isagana dani uguma jirto dalkana hore ayuu ugu tacadiyey ee ma aha inuu xumaanta ku adkeysto. Ilaahay ha garansiiyo tubta wanaagsan anaga iyo isagaba. Aamiin.




WDN : - Inj. Xaashi waxaad ka mid ahayd aasaasayashii jabhadda SNM, haddana waxaa laga jooga 15 sano markii ciidamda SNM ay soo galeen Hargeysa. Haddaba wax qabadka muddadaasi marakaad jeleecdo iyo sida ay hadda wax u socdaan, sidee ayaad u aragtaa? ma kula tahay markaasi qorshihii aad sugayseen in la gaadhay? Mase kula tahay xukuumadda Rayaale mid ka tarjuntay rabitaankii shacbiga Somaliland?




Inj. Xaashi*: Ilaahay mahaddii waxanu intayada nooli joognaa Dalkayagii oo Madax-banaan oo Nabad wanaagsan, Dawlad la soo doortay iyo Golayaasheedii, Ciidanka Qalabka sida, Ciidanka Nabadgelyada, Waxbarasho ilaa heer Jaamacadeed, Ganacsi xor ah, Xorriyatul qawl, Shicib u daacad ah Wadankooda oo aan marna niyad jabeyn Inta noo hadhay oo u baahan dhabar adeyg iyo samir badan waanu wadeynaa Inshaallahu. Waxa muhiim ah in marba marxalad laga gudbo ee aan la iska daalin oo dagaal iyo xin iyo xaasidnimo lagu wada shaqeysan. Xukuumadda Riyaale ma aha mid ka tarjumeysa rabitaankii shacbiga. Wakhtigan waxa looga fadhiyaa inay maamulka toosiso oo ay dadweynaha u adeegto.




WDN : Waxaa lagugu tiriyaa dadka sida aadka ah uga soo horjeeda in wax xidhiidha ah  lala Sameeyo wakhtigan xaadirka ah Koonfurta maxay tahay  sababtu ?




Inj. Xaashi : Maan filayn inaydin  su’aashan oo kale wakhtigan Somaliland weydiisaan. Waxa la yaab leh sida dadka qaar isku diidsiiyaan xasuuqii, dhacii, tacadigii, maamul xumadii loo geystay Dalkan iyo dadkan. Mumin laba goor god lagama wada qaniino. Somaliland horumar dhinac kasta ah ayey gaadhay. Waxa habboon inaanu isku tashano oo aanu dalkayaga gudaha iyo dibedba ka dhisno. Soomaaliya waxa la gudboon inaaney wakhtiga iskaga lumin Somaliland ee ay gurigooda hagaajistaan. Taariikhda haddii aynu dib ugu noqono lixdankii Soomaaliya iyaga oo isku haysta Hawiye iyo Daarood ayaa Somaliland midowgii ay la midowday uu xal u noqday, laakiin haddii ay maantana tii sugayaan lama helayo.




WDN : Sideed u aragtaa in muranka gobolada  sool & Sanaag lagu xallin karo?




Inj. Xaashi*: Si nabad gelyo ah.




WDN - Waxa jirta in dad badan oo ka soo jeeda goboloda Sool iyo Sanaag aysan taabacsanayn siyaasadda gooni isu taagga Somaliland, miyaanay habboonayn inla tixgaliyo rabitaanka shacbiga degaankaas ?




 




Inj.Xaashi : Dadweyne badan oo Somaliland taabacsan ayaa jira Gobolada Sool iyo Sanaag Bari. Sidaad ogtihiin Somaliland Gooni-isu-taageeda shirkii Burco wey ka soo qaybgaleen.  Arrintu isir ma aha ee waa xuduudo  caalami ah marka hore, marka labaadna isirku maha dhinaca aabaha oo qudha.  Dhaqan baa jira iyo macaamilo boqolaal sano ahayd. Dawladda Somaliland waxa la gudboon inay hawsheeda ay ka habsaantay u qabsato si degdeg ah.




WDN : Haddii illaa hadda ay beesha caalamku ka dhego adaygeen aqoonsiga Somaliland miyaanay ahayn in  arrinta dib loo fiiriyo oo xal kale la keeno?




Inj. Xaashi:: Horumarka aanu illaa hadda  gaadhney ayaanu Ilaahay uga mahad celineynaa. Caalamka ictiraafka waanu ka raadsan, laakiin nolosha iyo horumarka wanaagsan ee aan haysano ayaanu sii kordhin doonaa, ictiraafkuna nagama foga Inshaallahu.




WDN :  Waxaad tahay siyaasi madax bannaan oo aan Xisbi ka tirsanayn. Maxay tahay sababta aad xisbiyada hadda jira midkood ugu biiri weyday? Mase dhici kartaa mustaqbalka inaad Xisbi ku biirto?




Inj. Xaashi : Siyaasadda anigu aan ku dhaqmaa waxay tahay mid aan dembi iyo naar ii soo jiidin. Waxan iska ilaaliyaa inaan mansab ku kasbado been iyo laaluush ama kharash aan si habboon u bixin. Siyaasadda maanta lagaga dhaqmo wadamada afrikaanka ah ama dunida qaarkood ayaa ah in la iibsado mansabka sidaana ma jeceli anigu ee waxan diyaar u ahay inaan dadka iyo dalka u adeego anigoo madaxbanaan oo waxba ayaga ka dooneyn oo Ilaahay raalli gelinaaya. Wa bilaahi towfiiq.




 




WDN *- Maxaa talo ahaan aad usoo jeedin lahayd shacbiga reer Somaliland?




Inj. Xaashi*: Dadweynaha waan hambalyeynayaa sida ay ugu dedaaleen jirtitaanka Somaliland. Waxaan ku boorinayaa inay sii wadaan dedaalka iyo samirka badan. Ilaahay ha inala qabto. Aamiin




 




WDN:- Waad mahad santahay




Inj. Xaashi: – Idinkaa mudan.




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Gobanimogroup@gmail.com




Abdiwali1991@gmail.com




 




Sources by  Wardheernews