Monday, January 27, 2014

Xukumadda Somaliland Oo Gaashanka Ku Dhufatay In Wada Hadalada Danbe Qabanayo Magaalooyinka Muqdisho Ama Hargeisa


 




max,ed Biixi YoonisHargeisa(GNA)Xukuumadda Somaliland ayaa wax aan suurtogal ahayn ku tilmaantay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh oo uu ku sheegay in wadahadallada dambe lagu qaban karo magaalooyinka Muqdisho ama Hargeysa.




Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in aanay jirin meel lagu heshiiyey in wadahadallada socda lagu qaban karo Muqdisho ama Hargeysa, taasina tahay wax aan dhici karin oo ay iska yidhaahdeen madaxda Soomaaliya.




“Waxa igu maqaalo ah in dawladda Muqdisho ay yidhaadheen wadahadaladda dambe waxa lagu qabanayaa Muqdisho iyo Hargaysa, markaa taasi kuma aanu heshiinin mana dhacayso, mana suurtagelayso in ay Hargaysa yimaadaan. Waxa kale oo aan doonayaa in aan dadka u sheego Somaliland talo ay gaadhay ayay samaysay oo ah in ay gaar isku taagto, shacbigaana sameeyay cid ka noqonaysaana ma jirto, yaan la isku wareerin wax Xamar laga yidhaahdo ee teena uun aynu wadano, dadkeenuna waa in ay ogaadaan in aynu nahay umad jirta oo joogta, maantana shaqaynaysa cid aynu u daba fadhiisanaynaana ma jirto gooni-isku-taageena,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi oo warbaahinta kula hadlayey qolka nasashada ee madaarka diyaaradaha Hargeysa oo ay ka soo degeen isaga iyo Wasiirka Ganacsiga oo ku maqnaa wadahadalladii Turkiga ka dhacay iyo weftigii Madaxweynaha ee Faransiiska booqashada ku tagay.




Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadlay natiijada wejigii shanaad ee wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga, waxaannu qodobka ku saabsan xasuuqa ku tilmaamay kii ugu muhiimsanaa eek a soo baxa.




“Wadahadalkayagii Turkigu aad iyo aad ayuu u fiicnaa, waxaanan filayaa in aad kawada dheregsantihiin shirkaasi iyo waxyaabihii lagaga wadahadlay, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka soo baxay shirkaasi waxay tahay arrinkii xasuuqa oo ay markii u horaysay ogolaadeen dawladda Soomaaliya iyo hawlo kale oo badan oo ku lug-lahaa geedi socodka ama sida ay u socon doonaan wadahadaladu,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.