Sunday, January 26, 2014

Dhegeyso:Dhul-jiif ka Dilaacay Laamiga Isku xidha Burco iyo Laascaanood


DSC00059 Laascaanood(GNA)-Gaadiidlayda isaga goosha Magaalooyinka Bariga Somaliland ilaa Gobollada Puntland, ayaa ka cabanaya dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmaan jidka laamiga ah ee ay ku safraan.




Dhibaatooyinkaasi, waxa ka mida falal amni daro oo ay sheegeen inay u geystaan Kooxo Dhul-jiif ah oo Gaadiidka iyo dadka ku baadha inta u dhaxaysa Gobolada Sool iyo Togdheer, waddo xumo, Cashuuro dheeraada oo laga qaado iyo waliba handiddaad loogu geysto  Kaantaroolada.




Wariye ka tirsan Gobanimonews oo todobaadkan ku safray  Jidka isku xidha Magaalooyinka Burco, Laascaanood iyo Garoowe oo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland, ayaa waraystay qaar ka mida wadeyaasha Baabuurta dadka iyo baddeecadaha fudud u kala gudbiya Gobolladaasi.




Siciid Cabdillaahi oo ka mid ah Darawaliinta labaatankii sanadood ee ugu dambeeyay waddadaasi ku safrayay, isla markaana ka tirsan Mulkileyaasha Baabuurta isaga goosha Gobolladaasi, ayaa Gobanimo u sheegay inay Khaati ka joogaan Kooxo Shufto ah oo dadka iyo Gaadiidka ku baadha Laamiga, kuwaasoo lacagta iyo agabka kale ee muhiimka ah xoog dadka kaga qaada.




“Waxaanu aad uga cabanaynaa Kooxo Dhul jiif ah oo Laamiga dadka iyo baabuurta ku baadha, kuwaasoo Lacagta, Mobile-ada iyo waliba alaabta kale ee qaaliga ah dadka rakaabka ah ka qaata, dawladuna ilaa hada waxba ka qaban wayday”ayuu yidhi Siciid Cabdilaahi.




Siciid ayaa intaasi ku daray “Nimankaasi waxay inta badan nagu baadhaan laamida u dhaxaysa  Tuulada Ceel-dhaab iyo Oog, ilaa Yogoori, waxaanay nagu hayaan dhibaato fara badan, rasaas ayay gawaadhida ku ridaan oo mararka qaar waxa dhacda inay waxyeelo nafeed dadka u geystaan”.




“dhibaatooyinka kale ee Laamida aanu kala kulano waxa ka mida Kaantaroolada oo qaarkood si xun noola dhaqmaan, waddo xumo iyo Cashuur fara badan oo nalaga qaado”ayuu siciid ku sheegay waraysi dheer uu siiyay Gobanimonews.




Waxaanu intaasi raaciyay inaanay dawladdu wax talaabo ah ka qaadin ilaa hada Kooxa budhcad bariga ah ee ka qawlaysta Laamiga iyo handiddaada loogu geysto rugaha Bilayska ee Magaalooyinka laga soo galo.




Waraysigan ayuu sidoo kale kaga warbixiyay sida uu yahay isu socodka magaalooyinka uu isaga goosho ee Puntland iyo Somaliland oo Masaafo aad u dheer loo kala safro, isla mar ahaantaana xiliyada qaar dagaalo ku dhex maraan labada Maamul ee Garoowe iyo Hargeysa soohdinta Gobolka Sool.




 



DSC00046



Habada halkan ka dhegeyso Waraysigaasi oo dhamaystiran:-[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Lascanod-to-burco.mp3"][/audio]