Friday, January 24, 2014

Xubno kamid ah Mucaaradka Jabuuti oo xabsiga la dhigay


Djibouti-flag-100x100Ciidamada Jabuuti ayaa xabsiga dhigay xubno kamid ah Ururada mucaaradka ee kasoo horjeeda Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.




Sida ay ku warameen xubno kale oo ka tirsan mucaaradka, shalay gelinkii dambe oo khamiis ahayd waxaan loo taxaabay jeelka magaalada Ali-Sabieh Qareenka daladda mucaaradka Jabuuti ee markii magaceeda lasoo gaabiyo la yiraahdo USN.




Waxaa Qareenka lala xiray saddex qof kale oo labo kamid ah ay yihiin ajaanib u dhalatay wadanka Faransiiska iyadoo qof kale uu yahay Jabuutiyaan.




Qareenka Dalada mucaaradka ee USN ayaa lagu magacaaba Sakariye Cabdilahi Cali, waxaana uu u dooda xuquuqda mucaaradka sidoo kale wuxuu madax ka yahay Hay’adda Xaquuqda aadanaha ee LDDH iyadoo uu ka tirsan yahay Baarlamaanka Daladda mucaaradka.




Ma jirto ilaa iyo hadda kiis lagu soo oogay ama lagu xiray, sida ay inoo sheegeen xubno kamid ah mucaaradka oo dibad joog ah.




Xukuumadda Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa inta badan lagu eedeeya in ay cadaadis xoogan ku hayaan xubnaha mucaaradka.




Gobanimo news