Sunday, January 26, 2014

Wareysigii Ugu Horeeyay Saxixa Cusub Ee Man United Juan Mata Oo Xiiso Leh,


Juan-Mata-aJuan Manuel Mata oo 25-jir ah ayaa kusoo biiray kooxda Manchester United wuxuuna noqday xidigii ugu qaalisaana ee ebid ay soo iibsato kooxda Old Trafford ku ciyaarta isagoo kursigaas ka turay weeraryahanka naadiga Fulham iyo Xulka Bulgaria Dimiter Berbatov kaas oo United kusoo biiray 2008, kagana soo biiray Tottenham Hotspur.may




 




Manchester United ayaa shaacisay iney dhameystirtay heshiiska Juan Mata kadib markii uu shalay Helicopter ku yimid xerada tababarka ee Carrighton sidoo kalana ay United soo bandhigtay saxiixeeda cusub.




 




Inkastoo David De Gea uu yahay shaqsiga kaliya ee sugay Juan Mata kadib markii ay dhamaan baxeen xidigaha United dhamaadkii tababarkii shalay, wuxuuna xidigaan reer Spain sidoo kale soo dhaweyn dhanka twitter-ka ah kala kulmay RVP iyo Rio Ferdinand.




 




Ugu dambeyntii Wareysi Dheer ayuu bixiyay Juan Manuel Mata Hada Waa Kan Wareysigii Ugu Horeeyay Juan Mata oo Dhameystiran:




 




Sideed U Aragtaa Inaad Ugu Dambeyntii Noqoto Ciyaariyahan Manchester United Ka Tirsan?




 




Waa Maalin ii farxad badan aniga, la kulmay xidigaha kooxdeyda cusub, macalinkeyga, isla markaana aan arkay xerada tababarka runtii waa koox weyn waxaana dareemayaa inaan halkaan ku faraxsanahay.




 




Maxey Maskaxdaada Soo Qabatay Markii Aad Maqashay Xiisaha Ay Kuu Qabto Manchester United?




 




Waxaan u maleeyay “CAJIIB” waa naadi ku guuleystay dhowr horyaal taariikhda Premier League, iyo sidoo kale English League. Waxeyna aheyd wax la yaab leh inaan ogaado in koox sida Man United oo kale ay i xiiseyneyso. waxeyna aheyd dareen wanaagsan.




 




Sidaas Darteed Ciyaariyahano Badan Ayaa yimid Naadiga, balse adiga waxaad tahay midkii ugu qaalisanaa, Ma Waxaad is leedahay waxaa keenaya Cadaadiska heysta naadiga?




 




Waxaan ogahay iney tahay qiimo weyn, balse waxaan kalsooni ku qabaa in wax walba ay Ok, noqon doonaan, waxaan isku dayi doonaa sida iigu wanaagsan Inaan mar walba sameeyo, macalinka iyo ciyaartoyda wey wanaagsan yihiin, sidoo kale Jamaahiirtana waa kuwo aan la heli karin,  waa inaan sameyno wax walba si aan u guuleysano.




 




Waxaad ku heysatay waqti cajiib ah Chelsea, waxaana tahay xidigii labadii sano ee lasoo dhaafay noqday xidiga sanadka, malayaabtay inaad halkaan timaado, iyadoo ay dhif iyo naadir tahay in koox ay xidig muhiim ah ka iibiso koox ay xifaaltamaan?




 




Sida daacada ah waa layaab, balse Anigu waan ku faraxsanahay in la i dhaho waxaad tahay xidiga Chelsea, milkiilaha, qof walba oo ka shaqeeya chelsea, iyo taagerayaasha ayaa ii codeeyay inaan ahay xidiga ugu wanaagsan labadii sano ee lasoo dhaafay, waana ku faraxsanahay mar walba. waxaa layaab igu noqotay lixdii bilood ee lasoo dhaafay, waxeyna aheyd xaalad adag, ma ciyaarin wax badan iyo sida an rabay, waxaan fahmay in kooxdu tahay naadi kubada cagta, sidaas darteed waan ku xushmeeyay xaalad walba. balse fursada aan ku imid Man United waxey ii tahay waqti weyn, si aan waqtigeyga ciyaaraha aan u hormariyo kuna biiro koox kale oo weyn.




 




David De Gea wuu ku sugay ilaa aad ka timaado, Maxaad Nooga Sheegi kartaa noloshiina halkaan?




 




Wuxuu iisoo qorayay fariin qoraaledyo maalmihii lasoo dhaafay isagoo leh: “Goormaad imaaneysa?, goormaad soo caga dhiganeysa? Ma Waxaad ku imaaneysa Helicopter, mise Baaskiil? Waan imid hada waana ku faraxsanahay inaan halkaan imaado, qaas ahaan David De Gea, sababtoo ah waa saaxiib wanaagsan, waana goolhaye aan caadi aheyn, waana ii muhiim isaga inaan halkaan imaado.




 




Sideed Ugu Faraxsan tahay inaad noqoto isku xiraha xidigaha la jecel yahay: Wayne Rooney, Robin Van Persie, Adnan Januzaj iyo kuwo kale?




 




Sida iska cad xidiga anigoo kala ah kaas oo doonaya inuu dhaliyo, caaawiyo, abuuro, waa layaab inaan la ciyaaro nuucyadaas xidigaha ah: Rooney, RVP, Januzaj, Valencia, Chicharito, Welbeck dhamaan waa xidigo sare, waana isku dayi doonaa inaan sida ugu wanaagsan ula ciyaaro.




 




Booskeed U Maleyneysaa Inuu Yahay Midka Aad Ugu Fiican Tahay?




 




Marka hore dhamaan : [Qosol]  Waan jeclahay inaan ciyaaro, waxaan u maleynayaa inaan ciyaari karo sadexda boos ee ka dambeysa weerarka, waxaan ka ciyaarayay dhanka bidix markaan joogay Chelsea, xili ciyaareedkaan waxaan ciyaaray dhanka midig, inkastoo xili ciyaareedkii hore aan ciyaaray booska weerarka ka dambeeya wuxuuna ahaa midkii iigu fiicanaa ee Chelsea, balse wax micno ah ma sameyneyso inaan kala doorto.




 




Waxaad Ku Guuleysatay Koobab Layaab leh mudadii xirfadaada, Maxaad Jeceshahay Inaad Manchester La Gaarto?




 




Waxaan Jeclahay Inaan la qaado Premier League waana koob qaas u ah xidig walba kaas oo ku ciyaaraya wadankisa. naadigaan waxaan aaminsanahay inaan wax walba ku gaari karo waxaan isku dayi doona sida iigu wanaagsan, wali waan yarahay waxaana leeyahay naasib aan koobab ugu guuleysto balse waxaan doonayaa inaan wax badan ku guuleysto.




 




Macalinka Wuxuu Sheegay inaadan ku lug yeelan doonin kulanka Cardiff ee talaadaa, taasoo micnaheedu ah inaad tarabuunka soo fariisan doonto markii ugu horeysay Old Trafford Maxaad ka leedahay?




 




Old Trafford waa garoon uusan qof walba rumeysan karin inuu ku ciyaaro, waxaan halkaan imid labo ama sadex jeer anigoo cadow ah, balse markaan waxaan jaanis u helay inaan ku ciyaaro isagoo gurigeyga ah, waana wax aad u kala duwan, weyna igu weyn tahay sababtoo ah waxaan ogahay iney joogaan Jamaahiir qeyrul caadi ah.