Tuesday, January 28, 2014

Wafdi Madaxdhaqmeedyo Reer Awdal Ah Oo Socdaal Ku Tagay Kilinka Shanaad iyo Suldaan Samatar Oo ka Xogwaramay Kulamo ay Layeesheen Madaxda Dawlad Deegaanka iyo Madaxdhaqmeedka Beelaha Absame


Suldaan-Ibraahi-J_-Samatar-300x225Borama(GNA) Wafti madaxdhaqameedyo iyo culimaa’udiin iskugu jira oo ay hor socdeen suldaadiinta guud ee gobolada Gabilay, Awdal iyo Selel suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka killilka shanaad ee Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo ka qaybgalay aaska Garaadkii beelaha Absame garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi oo todobaadkan horaantiisii ku geeriyooday magaalada Diridhaba oo shalay lagu aasay magaalada Jigjiga, taas oo waftiga madaxdhaqameedyada awdal iyo salal ay kulamo kula yeesheen magaalada jigjiga masuuliyiinta maamul deegaanka Kililka shanaad iyo madaxdhaqameedyada beelaha deegaanadaasi.




Waftiga madaxdhaqameedyada Awdal iyo salal oo kala ahaa Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal,iyo Sul Nuur dheere iyo Sul Maxamed Cabdi ,Xaaji Axmed Miisaan ,Caaqil Saalax Cilmi Jaar iyo waliba Sheekh Baladka Boorama Sheekh Cabdilaahi Sh Cali Jawhar iyo Oday dhaqameedyo kale ayaa shalay subax ka amba baxay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo xalay ka soo laabtay safarkoodii Jigjiga ayaa Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo maanta saxaafada uga waramay ujeedada socdaalka waftigoodu ku tagay Jigjiga ayaa waxa uu yidhi “Waftigayaga Somaliland ka tagay oo ka koobnaa Salaadiin, Culimaa’udiin waxaanu JIgjiga u tagnay ka qaybgalka aaska garaadka beelaha Absame Garaad Maxamuud Garaad Doon Garaad Xirsi oo shalay lagu aasay Jigjiga iyo caleemo saarka Garaadka cusub ee loo boqray beelaha Absame oo ah wiil uu adeer u yahay Garaad Kulmiye Garaad maxamed xirsi.




Run ahaantii si weyn baa naloogu soo dhaweeyay Jigjiga, waxa kale oo aanu kulano la yeelanay masuuliyiinta maamulka kililka shanaad oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka oo hada ah ku simaha madaxweynaha oo aanu ka wada hadlnay danaha labada wadan ee Somaliland iyo kililka shanaad ee Itoobiya”




Suldaan Ibraahin oo hadalkiisii wata ayaa waxa uu yidhi “shalay galinkii danbe ayaan waxaanu la kulanay madaxdhaqmeedka beelaha Absame oo runtii si walaaltinimo ku jirto noogu soo dhaweeyay magaalada jigjiga waxaana ka wada hadalnay sidii wanaaga iyo wada jirka looga wada shaqayn lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhka madaxdhaqmeedyada labada dhinac somaliland iyo dawlad degaanka itoobiya.




Sikastaba ha ahaatee kulankan madax dhaqmeedka awdal iyo dhigooda kilinka shanaad ayaa miradhalkiisii uu noqday kulan mar labaad ku dhexmari doona magaalada jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka soomailda itoobiya kaa soo la filaayo inuu wax badan ka tari doona carqabado badan ka haystay shacabka ku dagan dawlad deegaanka itoobiya ee ka soo jeeda beelaha gadabuursi.




Gobanimo news




Mustafe caraale




Borama office